Markii ay dhasheen ayay hooyooyinkooda u kala badalmeen, haddana 20 sano ka dib ayay is guursadeen.

Jim & Margaret Mitchell

Lamaanayaasha qaar ayaa aaminsan in aad la kulanto "qofka mustaqbalka aad nolosha la wadaageyso noqanaya" ay qadar tahay, Laakin lamaanaha Jim iyo Margaret Mitchell waxay haystaan ​​sabab intaas ka dhaafsisan.

Shil dhacay ka dib markii ay dhasheen ayaa isu keenay markii ugu horeysay, ka hor intaysan si nasiib ah ku dhawaad ​​labaatan sano ka dib dib ugu midoobin nolosha, Toddobaadkan waxa ay ku faraxsan yihiin inay u dabaal degaan 50 sano guurkooda ka dib.

Kalkaaliyaasha isbitaalka ayaa waxa ay isku qaldeen caruurta iyagoo hooyooyinkooda u kala baddalay, Margaret, oo 70 jirsatay Khamiisti, ayaa tiri: "Labadaya hooyo waxaa loo yaqaanay Margaret, taas ayaana keentay in magacyadooda ay umulisooyinkii ku jahawareeraan oo hooyaday loo dhiibo  Jim  annigana ay Jim hooyadii i qaadato."

Dhacdadaan ayaa waxa ay dhacday maalmo ka hor inta caruurta qoraalka magacyadooda loogu xirin gacanta, laakiin qaladkaasi ayaa waxaa daqiiqado gudahood ku ogaaday hooyooyinkooda waxaana lagu celiyay qoysaskoodii saxda ahaa.

Jim waxay waalidkiis u kaxaysteen Arden, koonfurta Glasgow, halka Margaret loo kaxeeyay gurigooda Knightswood, oo ku yaal waqooyi-galbeed ee magaalada halkaas oo ay kula noolaayeen qoysaskooda.

Wax yar ka dib, waalidiinta Margaret waxay ugu dambeyntii heleen gurigooda oo ku yaalla Eastwood, Renfrewshire, oo 30 daqiiqo u jirta guriga Jim, Markii ay labadooduba gaareen 18 sano jir, qaddar ayaa mar kale isu soo dhaweysay.

Injineer Jim oo hawlgab ah ayaa yiri: “Saaxiibkay ayaa guursanayay, soo dhawayntiisana waxa ay ka dhacday qeybta dambe ee guri uu ka degganaa beerta Queen’s ee Glasgow.

 “Qofka uu saaxibkay David guursanayay waxay ahayd Margaret saaxiibadeed Pat, waa markii ugu horreysay ee aanu kulanay "Waxaan ku sheekaysanay goobta soo dhawaynta. Aad ayaan ugu farxay markii ay ogolaatay sababtoo ah waxay ahayd gabadha ugu quruxda badan qoobta."

Ka dib laba bilood gudahood oo ay wada sheekeysanayeen, hooyooyinkoda ayaa waxay bilaabeen inay ka shakiyaan inay jiro wax isu soo jiidaya, Labada hooyo ayaa ugu dambeyntii kulmay markii ugu horeysay tan iyo markii ay dhallaankooda ku soo celiyeen qolka dhalmada ka dib markii ay u kala baddel-meen.

Jim iyo Margaret waxay is guursadeen sannadkii 1972 waxayna hadda ku nool yihiin Bariga Kilbride. Waxay noqdeen hawlgab waxayna dhaleen laba wiil iyo gabar iyo wiil yar oo ay awow iyo ayeey u yihiin, lamaanahan ayaa toddobaadkan u dabaaldagayay sanad guuradoodii 50-aad ee arooskoda.

Post a Comment

0 Comments