Daraasad: Faa'iidada muhiimka ah ee cunista quraac culus

Faa`iidada Quraacda

Cunista quraac badan iyo casho yar ayaa kaa caawin karta dhimista miisaankaaga, ayay yiraahdeen cilmi-baareyaashu.

Markii ay saynisyahannadu sameynayeen cilmi-baarista waxay si sax ah u xakameeyeen cuntada dadka, si ay isu barbar dhigaan saamaynta quraacda culus iyo cashada culus.

Kooxda Jaamacadda Aberdeen waxay dadkii ay tijaabiyeen ka heleen dad dhimay kalooris, si isku mid ah mar kasta oo ay cunaan cuntadooda ugu culus ee maalinta.

Laakiin, rabitaankooda cuntada ayaa si aad ah hoos ugu dhacay kaddib markii ay billaabeen cunista quraacda culus, taas oo sahlaysa in uu qofka ka taxaddaro dheelitirka cuntadiisa.

Cilmi-baareyaashu waxaa kale oo u soo baxday hal fikrad oo ah in habeenku uu yahay wakhtiga ugu xun ee cunto la cuno, sababtoo ah saacaddaas dheef-shiidka ayaa cuntada u beddelaya kiimiko, gaar ahaan marka uu qofku hurdo.

Dadka cilmi barista ka qeyb qaatay oo 30 qof ahaa ayaa dhammaan loo diyaarinayay quraac, qado iyo casho in ka badan labo bil, iyadoo maalintii loogu dararay 1,700 oo kaloori.

Waxay hal bil cunayeen quraac aad culus iyagoo isticmaalaya ku dhawaad ​​kala bar kalooriga maalinlaha ah, kaddibna waxaa xigay qado iyo casho fudud, halka bisha kalena ay cunayeen cunto culus fiidkii beddelkii subaxdii.

Dheef-shiidka dadka ayaa si sax ah loo cabbiray iyadoo la adeegsanayo biyo ka culus biyaha caadiga ah, kuwaas oo si fudud loola socon karo marka ay jirka ka baxayaan.

Natiijooyinka, oo lagu daabacay joornaalka Cell Metabolism, ayaa lagu ogaaday in wakhtiga cuntada culus ay cunayeen aanay wax farqi ah jirin, gaar ahaan inta kaloori ee uu jirku gubay, heerka dheef-shiidka kiimikaadka ama miisaanka qofka ka dhacay.

Farqiga ugu muhiimsan wuxuu ahaa rabitaanka cuntada ama heerka gaajada, kaas oo lagu xakameynayay quraacda culus.

Prof Alexandra Johnstone waxa ay sheegtay in ay u badan tahay in cilmi-baaristan ay muhiim u tahay dunida, gaar ahaan marka laga hadlayo caddadka cuntada ee uu qofka cunayo.

Waxay tiri: "Daraasaddu waxay soo jeedineysaa, xakamaynta rabitaanka cuntada, iyo cunista quraacda culus.

"Haddii aad maalintaada ku billaabi karto quraac culus oo caafimaad leh, waxaad u badan tahay inaad ilaaliso heerarka dhaqdhaqaaqa jireed oo aad ilaaliso xakamaynta rabitaanka cuntada inta ka harsan maalinta."

Quraacda daraasadda lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa maraqa, caano fadhi ah, ukun, iyo sausages, waxayna dhammaan ka koobnaayeen borotiinno badan oo dadka ka caawiya inay dareemaan dhereg.

Ma cadda sababta quraacda culus ay hoos ugu dhigto rabitaanka cuntada. Cilmi-baareyaashu waxay sheegeen inay aad uga dhib badan tahay marka loo eego caloosha oo buuxda subaxdii kaddibna la seexdo marka ay maran tahay. 

Post a Comment

0 Comments