Afar qaab oo aad ku noqon karto qofka ugu xusuusta fiican.

Daawada ilawshiyaha

Hilmaamka ama xasuus-xumada waa xaalad caafimaad-darro oo ay dad badan la il-daran yihiin, Mararka qaar waxa uu isu beddelaa cudur afka qalaad loogu yeero "Dementia" kaasoo noocyo kala duwan u sii kala baxa.

Barfasoor Richard Restak, oo cilmiga neerfaha ka dhiga Jaamacadda George Washington ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in hilmaanka badan ay sabab u tahay qofka oo aan si fiican wax u ugu fiirsanin ama diiradda saarin.

Restak, oo ah madixii hore ee ururka ay ku bahoobeen dhaqaatiirta neerfaha ee Mareykanka, ayaa maqaal uu ku qoray wargayska Guardian ku sheegay in xifdinta ay muhiim tahay.

"Tusaale ahaan waxaad tagtay meel xaflad ah. Haddii aad wali ka fikireysid waxyaabo la xiriira shaqada oo aadan si fiican u dhagaysanayn qofka kula taagan ee wax kuu sheegaya, kaddibna goor dambe aad ogaatid in aadan xusuusan qofkaas magaciisa.

"Marka ugu horraysa waxaad xifdinaysaa macluumaadka sheekada laguu sheegay, kaddibna waa inaad soo xusuusatid. Balse haddii aadan calaamadaysan, xogta kuma sii jirayso maskaxdaada."

Waxa uu sheegay in qof kasta ay u fududaan karto in uu dib ka xusuusto waxyaabaha uu mar xifdiyay isagoo mudnaanta siinaya.

Restak waxa uu soo jeediyay in dadaal lagu bixiyo kobcinta xusuusta, isagoo hoosta ka xariiqay dhowr arrin oo lagu xoojin karo maskaxda iyo xusuusta.

Talooyinkiisa waxaa ka mid ah: Ka fogaanta maandooriyaha In la iska ilaaliyo waxyaabaha maandooriyaha leh Aalkolada uma fiicna caafimaadka neerfaha, sida uu qabo barafasoorkan.

Wax kasta oo faragelin ku samayn kara shaqada tooska ah ee maskaxda ama keeni kara miyir-beel waa in laga fogaado, si xusuusta loo xoojiyo.

Hurdada : In qofku uu seexdo hurdo ku filan waxay ka caawinaysaa in maskaxdiisa ay si wanaagsan u shaqayso.

Sababtaas darteed, in waqti kooban la seexdo maalinta gudaheeda, gaar ahaan duhurka kaddib, waxay waxtar u leedahay xusuusta.

"Hooyooyinka umusha ah ee ilmaha u soo jeeda iyo dadka dhafra ayaa ka cawda dhibaatada xusuus-xumada, sababtoo ah soo jeedka badan ayaa laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho shaqada maskaxda," ayuu yiri Restak.

Mudnaanta xusuusta: Dhibka dhinaca aragga iyo maqalka waa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto, sidoo kalena waxaa la mid ah in xusuus-la'aanta durba wax laga qabto oo aan la fududaysan.

Isdhex-galka: In qofku uu dhex galo dadka, iskana ilaaliyo kelinimada iyo fikirka ayaa qayb wayn ka qaadan karta inuu xusuustiisa xoojiyo.

Balse, Restak waxa uu sheegayaa in haddii arrimahaasoo dhan la sameeyo aysan dammaanad u ahayn in xusuusta ay fiicnaanayso.

"Ma jiro qof kuu ballan-qaadi kara in marka aad talooyinka raacdo aad natiijada saxda ah heleyso, balse waxay raacista talooyinka kaa yaraynaysaa halista ku aaddan in xusuustaada ay gebi ahaanba lunto," ayuu yiri.

Post a Comment

0 Comments