Waddan dhallinyaradiisa ka codsanaya inay badiyaan isticmaalka cabitaanka maanka dooriya!

Japan

Dhallinyarada dalka Japan aad uma isticmaalaan cabitaannada maandooriyaha leh sida khamriga, taasoo keentay in dowladdu ay billowdo olole cusub oo ay wax uga baddalayso arrintaas.

Jiilka soo koraya ayaa cabba khamriga wax ka yar inta ay cabbaan waalidkood, waxayna taas sababtay in ay yaraato lacagta canshuurta ah ee dowladda uga soo xaroota cabitaannadaas.

Haddaba hay’adda cashuuraha qaranka ayaa waxa ay la timid tartan heer qaran ah oo ay ku doonayso inay ku hirgeliso fikir wax looga baddalayo arinkan, si dhaqaalaha waddanka sare loogu qaado.

Ololaha oo lagu magacaabo "Sake Viva!" ayaa rajaynaya in uu la yimaado qorshe lagu xaqiijinayo in cabista qamrigu noqoto mid soo jiidasho leh  oo kor loogu qaado shaqada warshadaha soo saara.

Marka uu billowdo tartanka, Dadka da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 39 ayaa la waydiinayaa in ay soo bandhigaan fikradahooda ganacsi ee ku saabsan sida ay faa;iido uga samayn karaan iibinta noocyada kala duwan ee cabitaannada maandooriyaha ah, sida khamriga.

Sidoo kale, tartamayaasha ka qayb galaya barnaamijka ololaha ah ayaa laga doonayaa in ay soo hindisaan qorsheyaal loo adeegsado qalabka casriga ah oo lagu hormarin karo ganacsiyada cabitaanka.

Saraakiisha ka socota waaxda canshuuraha ee tartanka maamulaya ayaa sheegay in hoos u dhaca ganacsiga cabitaannada maandooriyaha ah ay sabab u yihiin Covid-19 oo dadka u horseeday inay waxyaabo kale ku mashquulaan iyo shacabka Japan oo sii gaboobaya.

Warbaahinta Japan ayaa shaacisay in falcelinta shacabka ay ahayd mid isku dhaf ah, Dadka qaar way soo dhaweeyeen, qaar kalena waxay dowladda ku dhaliileen inay dhiirrigelinayso dhaqan caafimaad xumo keenaya.

Balse kuwo kale ayaa si deg deg ah baraha bulshada u soo dhigay fikrado – sida in meheradaha cabitaanka ay atariishooyin caan ah “bandhig ku sameeyaan” iyadoo la adeegsanayo habka muuqaallada runta loo ekeysiiyay ee loo yaqaanno “virtual-reality”.

Tartamayaasha danayna barnaamijkan ayaa haysta ilaa dhammaadka bisha September, si ay fikradahooda u soo gudbiyaan.

Dadka qorsheyaasha ugu fiican la imaada ayaa markaas kaddib laga caawin doonaa sidii ay u hirgelin lahaayeen ka hor inta aan ololaha lasoo gabogabayn bisha November.

Bogga internet-ka ee ololahan ayaa lagu sheegay in ganacsiga kjamriga iyo cabitaannada kale ee la midka uu aad hoos uga sii dhacayo Japan iyadoo dadka ku nool waddanka ay sii waynaanayaan tirade carruurta dhalanaysa ay sii yaraanayso.

Tirokoobyadii u dambeeyay ee ka soo baxay waaxda cashuuraha ayaa muujinaya in dadka cabitaannada maandooriyaha isticmaalayay sanadkii 2020 ay ka yar yihiin kuwii cabi jiray sanadkii 1995, iyada oo tirooyinkoodu hoos uga sii dhacayeen celcelis ahaan 100 litir (22 gallon) ilaa 75 litir (16 gallon) halkii qofba.

Sanadahaas gudahooda waxaa sidoo kale sii yaraaday tirade lacagta canshuurta ah ee kasoo xaroota ganacsigaas, Wargayska Japan Times ayaa sheegay in khamriga uu canshuurta Japan ka ahaa 5% sanadkii 1980-kii, balse 2020-kii uu noqday 1.7% ka mid ah canshuurta guud.

Bangiga adduunka ayaa qiyaasay in ku dhawaad saddex meelood hal meel (oo u dhiganta 29%) oo ka mid ah shacabka Japan ay da’doodu tahay 65 iyo wixii ka sarreeya – waana dalka ay ku nool yihiin waayeellada ugu badan adduunka.

Walaaca laga qabo arrinta ee dhanka mustaqbalka ma aha mid ku kooban dhaqaalaha Japan oo keliya – waxaa kale oo laga walwalsan yahay sida dad dhallinyaro ah loogu heli lahaa shaqooyinka waddankaas qaarkood iyo cidda xannaanayn doonta dadka waayeelka ah.

Post a Comment

0 Comments