Maxaad ka taqaanaa xabsiga ay mucjisada tahay inaad ka soo baxdo adiga oo nool!!

Xabsi

1-dii Oktoobar 2020, Walid Elhouderi ayaa loogu yeeray inuu noqdo turjubaan mar uu kulan kula qaatay dhowr safiir oo ku sugnaa caasimadda Liibiya ee Tripoli, Markii ay dhammaatay turjumaadda, wuxuu xusuustay inuu safiirkii Kongo dib ugu soo laabto ka dibna qolka shirarka si uu u soo qaato alaabtiisa.

“Halkaas waxaan igu imid afar qof oo i sugaya, way i handadeen, way i dharbaaxeen, qori ayay caloosha iga qabteen, wayna i afduubeen, wixii intaa ka dambeeyayna waa la i waayay, xitaa meel aan joogo ma garanayn. " ayuu yiri Elhouderi.

Afarta nin oo ku labisanaa dhar caadi ah ayaa waxaa u soo diray ciidamada sirdoonka, wuxuuna Waliid sheegay in la geyay mid ka mid ah xabsiyada qarsoodiga ah ee Tripoli oo ay mararka qaar maamulaan kooxaha maleeshiyada ah ee gacanta ku haya qeybo badan oo ka mid ah caasimadda, "Muddo 47 maalmood ah, qofna ma ogeyn meesha aan joogo," ayuu yiri Mr Elhouderi.

Maalmihii iyo toddobaadyadii xigay waxay ahaayeen kuwa adag: waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu helo sirta difaaca, Waxaa la geeyay xabsi cidla, ka dibna xabsi kale ayaa loo wareejiyay, halkaas oo lagula kacay jirdil  uu muuqday in nafta laga gooynayo.

"Waxay iga diideen biyaha saddex maalmood oo toos ah waxayna dhabarka iga garaaci jireen saddex jeer maalintii. Wax su'aalo ah ma aysan i waydiin,," ayuu yiri  Elhouderi, Muddo ku dhow laba toddobaad ka dib, Mr Elhouderi ayaa ugu dambeyntii la weydiyay su'aalo, waxaana inta badan laga joojiyay garaacistii.

Waxaa la horkeenay dacwad oogaha, bil ka dib, bartamihii Noofambar 2020, waxaa loo gudbiyay mid ka mid ah asxaabtiisa - oo sidoo kale lagu xiray - xabsiga gobolka al-Rweimi ee degmada Ain Zara ee Tripoli.

"Maalintii aan tagnay xabsigaas, waxay la mid ahayd:  sida inaga ooo xor ah , inkasta oo aan ku jirno xabsiga, hadana ugu yaraan waxaan ku jirnaa  meel nidaam leh, Balse Maanu ogayn inaan 13 bilood oo kale ku qaadan doono xaruntaas." Markii la xirayay, Mr Elhouderi waxa uu dhowr bilood ka shaqeynayay waaxda turjumaada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ugu dambayntii, ka dib bilooyin oo ay qoyskiisa, qareennadiisa iyo guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee Liibiya (NCHRL), oo Mr Elhouderi uu si mutadawacnimo ah ugu shaqayn jiray, u ololaynayeen sii deyntiisa ayay maxkamaddu waxay soo gebogebaysay in eedaymaha "aysan ku salaysnayn xaqiiqo iyo sharci tona balse ay ahaayeen kaliya khilaaf u dhexeeya dad wada shaqeeya".

Wasaaradda arrimaha dibadda Liibiya, xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo agaasimihii hore ee ICT ayaan ka jawaabin codsiyo soo noqnoqday oo ku saabsan arrintan, Markii ugu horeysay ee Mr Elhouderi la wareestay muddo ku dhow labo isbuuc oo uu ku jiray xaalad adag, ayaa ninkii wareysanayay waxa uu u sheegay in uu nasiib badan yahay.

"Wuxuu igu yiri: 'waad ogtahay inaad nasiib badan tahay. Sufyan waa dhintay,iyo kuwa kale oo badan... Laakiin adiga, nasiib baad leedahay. Markii hore, waxaan rabnay inaan kuu dirno koox dadka khaarajisa."

"Tani waxay ahayd ka dib laba toddobaad oo jirdil ah, iyadoo intaasi ay indhahaygu xirnaayeen oo aan arki Karin dadka I haysta ama I wareysanaya. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee qof uu ila hadlo muddo laba toddobaad ah." Marka la eego hadlka Mr Elhouderi uu ku yiri ninkii wareysanayay wuu ku saxnaa oo nasiib ayuu lahaa.

Horraantii 2020, oo ah sannadkii la xiray, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya (UNSMIL) ayaa sheegay in ay heleen " warbixinno badan oo tibaaxay in dad la wayay kuwaas oo jirdil jirdil loo geystay ka dibna la dilay. Waxaa ka mid ahaa dad u shaqeeya bulshada rayidka ah, iyo Saxaafadda. Waxa kale oo ku jiray muhaajiriin, iyo saraakiisha gobolka.

Post a Comment

0 Comments