Cudurka ku dhaca haweenka ee sababa in aysan yeelan ilmo-galeen

Rokitansky syndrome

Kesia Nascimento markii ay jirtay 13 waxay aheyd gabar buuran marka loo eego hablaha da'deeda ah. Hadda waa 19 jir, waxay sheegtay in uusan weli ku dhicin dhiigga caadada.

"Hooyadey markii ay yareyd waxaa ka daahay in uu ku dhaco dhiigga caadada, waxaan u maleynayay xaalad iska caadi ah, markaas waxaan go'aansaday in aan sugo wakhti dheer" ayay tiri gabadhan da'da yar.

Waxay la talin caafimaad ka heshay dhaqaatiirta, lagumana arkin wax astaan ah ama dhibaato caafimaad, markii ay gaartay 16 jir , dhaqtaraddii qaabbilsaneyd cudurrada haweenka ayaa ku amartay inay sameyso baaritaan caafimaadka.

Sanad kaddib markii ay 17 jir aheyd, Kesia Nascimento waxaa laga baaray dhiigga, waxaana la saaray qalab lagu eegay xaaladdeeda caafimaad, iyadoo loo sameeyay baaritaanno kale oo dhanka cudurrada haweenka ah.

"Dhaqtarka wuxuu la yaabay xaaladdeyda xilligaas. Wuxuu i tusay sawirro muujinaya in aanan laheyn ilmo-galeenka iyo marinka xubinta taranka," ayay tiri Kesia Nascimento.

Dhaqaatiirtu waxay Nascimento u sheegeen inay marto baaritaan kale oo caafimaad. Waxay u maleynayeen in uu wax ka qaldan yahay ilmo-galeenka, markii raajada la saaray waxaa la ogaaday inay la daalaa-dhaceyso xaalad caafimaad oo naadir ah.

Markii laga helay cudurka: Markii la baaray, isla markaana la siiyay la talin caafimaad, nolosha Nascimento way isbeddeshay. Dhaqaatiirta waxay u sheegeen in gabadhan da'da yar uu ku dhacay cudur la yiraahdo Rokitansky syndrome, kaasoo sababa in dumarku ay dhashaan iyagoo aan laheyn ilmo-galeen iyo marinka xubinta taranka.

"Markii ay dhaqaatiirtu ii sheegtay xaaladdeyda caafimaad. Waan isku naxay, waa wax aadan filaneyn. Hooyadey ayaan dhageysanayay markii ay dhaqtaraddu yara aamustay, waxaan ku dhex ooyay musqusha, illinta ayaan iska tiray, waana soo laabtay," ayay tiri Nascimento.

Post a Comment

0 Comments