War farxad leh oo ku saabsan hab cusub oo loo daweyn karo cudurka kansarka.

Hab cusub oo loo daweyn karo cudurka kansarka

Nooc cusub oo daweynta xanuunka kansarka ah oo loo adeegsaday hal Fayras oo qofka lagu durayo si loo burburiyo unugyada uu saameeyay cudurka ayaa laga muujiyay rajo aad u wanaagsan, Tijaabo hordhac ah oo lagu sameeyay bani’aadamka ayaa horseedi karta guul taariikhi ah, sida ay sheegeen seynisyahannada UK.

Bukaan qabay Kansar oo ka mid ahaa dadka tijaabada lagu sameeyay ayaa laga waayay cudurka, halka kuwo kalena ay saameynta aad uga yaraatay, Daawadu waa fayras ka mid ah noocyada hargabka oo la daciifiyay, kaasoo dib loogu farsameeyay si uu u dilo unugyada kansarka.

Daraasado kale oo ka waaweyn tan, kana waqti dheer ayaa loo baahnaan doonaa, balse khubarradu waxa ay sheegeen in cirbaddan ay ugu dambeyn horseedi karto rajo nololeed oo ay yeeshaan dadka uu heerka xun ku gaaray kansarka.

Krzysztof Wojkowski, oo ah 39 jir kasoo jeeda galbeedka London, waxa uu ka mid yahay bukaannada ka qeyb qaatay wejiga hore ee tijaabada, oo uu sameeyay Machadka Cilmi-baarista Kansarka ee "Royal Marsden NHS Foundation Trust”, Sanadkii 2017 ayaa laga helay kansarka oo uga dhacay murugyada calyada abuura ee u dhow afka.

Inkastoo xilligaas lagu sameeyay qalliin iyo daweyn kale, kansarkiisu wuu sii fiday, ”Waxaa la ii sheegay in aanan heysan wax fursad ah, waxaana qaadanayay dawooyinka gabogabada nolosha. Waxay ahayd xaalad naxdin badan, sidaas darteed fursad ayaan u arkayay inaan ka qeyb qaato tijaabada,” ayuu yiri.

Waqti yar ayuu qaadanayay dawada kansarka ee laga sameeyay fayraska dhaliya hargabka dhuunta xanuunjiya - waxayna u muuqataa in daawadaas ay meesha ka saartay kansarkii hayay, ”Cirbado ayaan qaadanayay labo isbuuc oo walba kaddib waxayna ii socdeen shan isbuuc oo ay ku baabi’iyeen kansarkeyga. Hadda waxaan kansarka xor ka ahay muddo labo sano ah.”

Cirbadaha waxaa si toos ah loogu durayay burooyinka kansarka, waxayna xanuunka u weerarayeen labo qaab – habka koowaad oo ah inay gudaha u galaan unugyada kansarka iyo iyagoo unugyadaas qarxinayay, iyo habka labaad oo ah inay nooleynayeen unugyada difaaca.

Qiyaastii 40 qof ayaa ka qeyb qaatay tijaabada daweynta kansarka, Dadka qaar waxaa la siiyay cirbadaha oo lagu magacaabo RP2, oo kaligood ah. Qaar kalena waxaa lala siinayay nooc ka mid ah daawooyinka kale ee kansarka oo loo yaqaanno ”nivolumab”.

Natiijada soo baxday oo lagu soo bandhigay shir ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa muujisay: Saddex ka tirsan sagaal bukaan oo la siiyay cirbadda RP2 oo kaligeed ah, oo uu ku jiray Krzysztof, waxaa la arkay in cudurkooda uu soo afjarmay.

Toddobo ka tirsan 30 qof oo cirbadda loogu daray dawooyin kale ayaa iyagana u muuqday inay ka faa’iideen.
Saameynta kale ee ka dhalatay, sida daal, ayaa si guud u ahayd mid aad weyneyd.

Barfasoor Kevin Harrington, oo hoggaaminayay cilmi-baarista ayaa BBC-da u sheegay in natiijada laga arkay daaweynta ay ahayd mid "si dhab ah loogu farxo” oo laga helay noocyo kala duwan oo kansarka heerarka sare ah, sida nooca ku dhaca cunno-mareenka iyo nooca dhifka ah ee ku dhaca indhaha.

”Waa arrin dhif ah in la arko natiijo noocaas ah oo kasoo baxda tijaabo caafimaad oo hordhac ah, waxaana ka qeyb qaatay bukaanno uu cudurka heerka ugu sarreeya ku gaaray, kuwaasoo daweyntii u socotay ay joogsatay,” ayuu yiri.

Post a Comment

0 Comments