Si uu u hagaago caafimaadkaaga maskaxda, cun fitimiinkan

Caafimaadka maskaxda

Ilaalinta caafimaadka maskaxda ayaa noqon kara wax adag, hase yeeshee mararka qaar waxa aad u baahan tahay cunno si fudud lagu heli karo.

Dr Uma Naidoo oo cunnooyinka maskaxda u wanaagsan ka dhigta kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Harvard, ayaa sheegtay inay jiraan cunnooyin si fudud looga heli karo fitimiinka kobciya caafimaadka maskaxda.

Waraysi ay bixisay Mundo ayaa haweeneydan khabiirka ah waxa ay ku sheegtay in fitimiinka nooca B uu yahay kan waxtarka ugu badan u leh maskaxda.  

Fitimiinkan ayaa leh 8 nooc  oo kala duwan, kuwaasoo midkiiba uu daryeel gaar ah u leeyahay hawlaha maskaxda.

Nooca B-1 oo sidoo kale loo yaqaanno "thiamine" ayaa caawiya unugyada maskaxda, qashin saarkooda iyo helitaanka tamarta. Haddii uu jirka ku yaraado noocan, waxaa dhici kara in qofka uu dhafiic ka noqdo dhanka fahanka, jirkiisuna ay dhibaato gaarto.

Nooca B-12 ama "cobalamin" ayaa muhiim u ah sameynta unugyada cas ee dhiigga maskaxda iyo hidde-sidaha DNA. Waxa uu sidoo kale caawiyaa hannaanka neerfaha iyo horumarinta maskaxda.

Nooca B-9 oo sidoo kale loo yaqaan "folic acid" ayaa ka qeyb qaata hawlaha gudbinta farriimaha neerfaha, sameynta DNA iyo nadiifinta unugyada.

Haddii uu jirka ku yaraado noocan, waxaa isbeddela ama xumaada dareenka qofka. Marka in la cuno khudradda cagaaran ee laga helo fitimiinka B-9 ayaa waxa ay wanaajin kartaa niyad wanaagga qofka.

Cunnooyinka laga helo Fitimiin B : Dr Naidoo ayaa sheegtay inay jiraan cunnooyin badan oo laga helo fitimiinka B ee muhiimka u ah kobaca iyo caafimaadka maskaxda.

Noocyada kala duwan ee digirta ayaa qani ku ah nooca B-12, halka inta badan khudradda cagaaran laga helo nooca B-9.

Caanaha fadhiya ee loo yaqaan "yogurt" ayaa laga helaa B-2, halka ukunta digaagga laga helo nooca B-7.

Kalluunka salmon ayaa laga helaa noocyo badan oo fitimiin ah, waxaana ka mid ah B-2, B-3, B-6 iyo  B-12 oo dhammaan muhiim u ah kobaca iyo caafimaadka maskaxda.

Tanka uu qofka u baahan yahaDr Naidoo ayaa sheegtay in ay adag tahay in la ogaado tanka fitimiinka ku jira cunnooyinka maalin laha ah, sidaa awgeedna ay wanaagsan tahay in qofku helo cunno isu dheelli tiran.

Cunnada isu dheeli tiran ayaa ka kooban noocyada kala duwan ee uu u baahan yahay jirka bani’aadanka. Ma aha in qofka uu ku koobnaado cunno gaar ah sida digirta, maadaama aad weynayso fitimiinnada kale.

Maskaxda ayaa ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan jirka bani’aadanka, ilaalinteedana waxa ay muhiim u tahay caafimaadka guud.

Post a Comment

0 Comments