Faa'iidooyinka caanaha geela ee aan la ogeyn.

Caanaha Geela

Geela iyo Soomaalida ayaa sinnaba loo kala qaadi karin ama loo kala bixin karin, waana sidii caruur iyo hooyadood ama ilko iyo bishimahooda, Soomaalida ayaa suugaanteeda ku xusta geela iyaga oo u tiriya gabayo ama heeso lagu ammaanayo geela. Sidoo kale, waxay u bixiyaan magacyo aad u qurux badan oo ka turjumaya xiriirka ka dhexeeya geela iyo qofka dhaqda.

Adduunyada casriga ah ayaa hadda ku baraarugaysa faa’iidooyinka uu leeyahay geela, caanahiisa iyo waxyaalaha kale ee laga sameeyo caanaha geela, Intii aan baarayay caanaha geela iyo faaiidooyinkooda waxaan ogaaday in ay jiraan meelo ka mid ah dalka Itoobiya oo laga aaminsan yahay in caanaha geela ay wax tar gaar ah u leeyihiin ragga iyo dumarka lamaanaha ah. Qeybaha hoose ayaan kusii sharrixi doonaa qodobkan.

Maxay yihiin faaiidooyinka Caanaha geela? Waxaan wax ka weydiiyay faaiidada caanaha geela Diktoor Khadar Cabdullaahi oo ah dhakhtar cudurada guud, ahna falanqeeye arrimaha bani’aadamka, kana howl gala magaalada Hargeysa. Waxaan weydiiyay faaiidada dhabta ah ee caanaha geela, wuxuuna yiri. 

‘’Caanaha geela waxaa badanaa ku jira nafaqooyin u fiican korriimada jirka, waxaana ka mid ah nafaqooyinkaas, calcium, thiamine, iyo pottasium oo u wada fiican korriimaha jirka.

Waxaan sidoo kale wax ka weydiiyay faaiidada caanaha geela, Diktoor Cusmaan oo muqdisho ka howl gala. Wuxuuna yiri ‘’ Caanaha geela marka ay cusub yihiin waxay leeyihiin fiitamiino muhiim u ah jirka bani’aadamka oo ay ka mid yihiin calcium oo u roon lafaha iyo essencial enzymes oo adkeeya difaaca jirka.’’

Faaiidooyinka caanaha geela ayaa intaas ku ekeen, ‘’Caanaha geela waxay xakameeyaan macaanka jirka, waxay sidoo kale daawo u yihiin xasaasiyadaha kala duwan sida neefta, sanboorka, xasaasiyadda cuntada iyo wixii la mid ah.

’’ Sidaas waxaa qoray Diktoor Cabdullahi Mahdi oo ka howlgala isbitaalka Eastend oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sidoo kalena ah qoraa macluumaadka caafimaadka ah ku daabaca bogga SomaliDoc.

Arrimmaha cajiibka ah ee caanaha geela leeyihiin, Sisay iyo Awoke oo ah macallimiin wax ka bara jaamacadda Jijiga ee dalka Itoobiya ayaa maqaal ay ku daabaceen Journal of Fisheries and Livestock Production (Wargeyska Kaluumaysiga & wax-soo-saarka Xoolaha) ayaa waxay ku tilmaameen arrimmo ku aaddan caanaha geela oo haddii aad si nugul-leh uga fikirtid ay aad kuu cajabinayso awoodda abuur ee Ilaahay.

Arrimaha cajiibka ah ayaa waxay kala yihiin; 1) In geela uu caanaha ugu badan keeno ama laga liso xiliga abaarta ah, sidaasna uu uga duwan yahay xoolaha kale sida lo’da. 2) Caanaha uu soo saaro xiliga abaarta oo aysan jirin biyo la cabo, waxaa caanihiisa ku badan biyaha, xilliyada ay barwaaqada jirtana waxaa caanaha uu soo saaro ka yaraada biyaha. (water content)

Xikmaddan Ilaahay ayaa waxay tahay, xiliga abaarta oo ay biyuhu yar yihiin, waxaa biyo loo soo dhex mariyaa caanaha geela si caruurta bani’aadamka iyo nirgaha geelaba ay ugu harraad baxaan.

Faaiidada caanaha geela intaas kuma eka, waxaa jira waxyaabo laga sameeyo caanaha geela.

Maxaa laga sameeyaa caanaha geela?
Waxaa jira shirkado kasoo kala jeeda dhowr waddan oo isu xil saaray in ay soo saaraan alaabo faa’iido u leh hab-nololeedka qofka. Alaabtan ayaa dhammaan ka samaysan caanaha geela.

Waxyaalaha laga sameeyo caanaha geela waxaa ka mid ah saabuunta lagu qubaysto. Saabuunta laga sameeyo caanaha geela waxay u fiican tahay dadka qaba xasaasiyadda maqaarka, sidaan kor kusoo xusnay, caanaha geela ayaa la dagaallama xasaasiyadaha qaar ee jirka.

Caanaha geela waxay leeyihiin nafaqooyin aad ugu fiican soo nooleynta iyo qurxinta maqaarka qofka. Nafaqooyinkan ayaa sidoo kale maqaarka ka ilaaliyaan dhaawac yada kaga yimaada cimilada. Kareemada laga sameeyo waxaa ka mid ah kuwa ka hortaga gaboowga maqaarka.

Nafaqooyinka laga helo caanaha geela ayaa waxaa ka mid ah dufanta aan laga maarmin, taas oo jilcisa maqaarka.

Caanaha geela waxaa laga sameeyaa rooseeto daaweyneysa qalaylka bishimaha. Waxaa laga sameeyaa caanaha geela oo laga dhigay budo sida caana booraha oo kale ah waxaana la mariyaa farsamooyin soo saara rooseetada bishimaha qoysa oo ka ilaalisa qalaylka iyo jajabka.

Caanaha geela ayaa waxaa sidoo kale laga sameeyaa farmaajo. Farmaajada ayaa adduunka caan ka ah, sidaa darteed, shirkado dhowr ah ayaa waxay sameeyaan farmaajo laga sameeyay caanaha geela oo tayadeedu aad u sarreyso.

Farmaajada laga sameeyo caanaha geela waxay u fiican tahay dadka qaba dhiig-xinjiroowga iyo dadka ay calooshoodu u dul qaadanin lactose. Sababtuna waxay tahay caanaha geela ayaa dabiici ahaanba waxaa ku yar maadooyinka keena labadan xanuun.

Subaga laga sameeya caanaha geela ayaa ka mid ah alaabaha aadka loo xiiseeyo. Dunida casriga ah ayaa ku baraarugaysa caafimaad darrada saliidaha Soomaalida u taqaanno caddeyda oo waayahan dambe lagu tilmaamay in aysan u fiicnayn caafimaadka.

Warbixin lagu daabacay wargeyska Times of India ee kasoo baxa dalka ayaa waxay qortay in saliidaha caddeyda ah qaarkood ay ku badan tahay maaddada Omega 6 taas oo lagu sheegay in ay kor u qaaddo koriimada unugyada dhaliya cudurka kansarka, dhiig-xinjiroowga iyo wixii la mid ah.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in shaaha ugu macaan (sida dad badan oo aan aniguba ku jiro aaminsan yihiin) laga sameeyo caanaha geela.

Caanaha geela ayaa laga sameeyo shukulaato iyo jallaato.

Sida aan qeybaha hore kusoo xusay, meelo kaid ah dalka Itoobiya ayaa laga aaminsan yahay in caanaha geela ay kordhiyaan awoodda galmada.

Dad ku nool Itoobiya oo sidoo kale dhaqda geela ayaa waxay aaminsan yihiin in caanaha geela ay leeyihiin maaddo badiso rabitaanka isutagga lamaanaha. Waxa ay ku doodaan in qofku uu u baahan yahay caano geel si uu rabitaankiisa gogosha u xoogeysto.

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa in ay leedahay in kabadan 6 milyan oo geel ah, in kasta oo aysan jirin tiro rasmi ah, haddana waxaa la sheegaa in ay tahay waddanka ugu geela badan ee adduunka. 

Sidaa darteed, haddii ay Soomaaliya geela intaas la’eg ay leedahay, waa in ay sidoo kale lahaataa ama hogaamisaa wax walba oo khuseeya geela. Ha noqoto cilmiga geela, dhaqaalaha iyo ganacsiga geela, caanaha geela iyo wax walba oo raad ku leh geela waxaa habboon in ay Soomaaliya ugu sarreyso.

Intii aan baarayay caanaha geela iyo faaiidooyinkooda, mar waliba waxaa madaxayga soo galaysay fursadaha shaqo ee laga abuuri karo iyo inta dhaliyara ah oo ka faaiideysan karta shaqooyinka ka dhalan kara.

Inta aan kor kusoo xusnay oo alaab ah, dhammaan Soomaaliya waa laga isticmaalaa, dhammaanna waxay u badan yihiin in laga keeno dibadda iyaga oo laga sameeyay waxyaallo kale oo waliba noqon kara kuwa aan dabiici ahayn. 

Wax soo saar waddani ah
Maxaa inoo diidi kara in aan samaysanno, ka shaqaysanno, ku liibaanno caanaha geela oo aan u isticmaalno qaabab kala duwan oo haddana wada dabiici ah.

Shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta waddanka waxaa sabab u ah ciriiriga fursadaha shaqo oo salka ku haya wax soo saar la’aanta dalka ka jirta.

Haddii la howl galiyo warshadaha yar yar ee sameeya alaabaha aan kor ku xusnay, waxay horseedi doontaa wax soo saarka dalka gudahiisa oo si xoowli ah u bilaawda, shaqo abuur baahsan, waxayna kor u qaadi doontaa guud ahaan dhaqaalaha dadka iyo dalka.

Dal walba oo horumar ku tallaabsada waxaa uu ka bilaabaa isku filnaansho, wixii isaga ka bata ayuu u dhoofiyaa adduunka kale. Soomaaliya si ay waddadaas cagta u saarto, waa in ay bilaawdaa wax soo saar gudaha ah, sidoo kalena noqota shaqo abuur awood u leh in dhalin yarada Soomaaliyeed ay bedellaan fikirkooda ku aaddan dalkooda. Waxaa suurtogal ah in meeshaba uu ka baxo hamiga tahriibka ah.

Ugu dambeyn, waxaa la sheegaa in aan leenahay geela ugu badan, waxaa inoo fudud in aan helno caanaha geela ugu badan adduunka, waxaan heli karnaa aqoon iyo muruqii lagu qaban lahaa howl kasta. Haddiiba aan intaas wada heli karno, su'aasha isweydiinta mudan waa sideen hoggaanka ugu qaban karnaa wax walba oo geela ku saabsan?.

Post a Comment

0 Comments