Galmudug oo go’aan adag ka soo saartay Odayaal Cadaado ka tagay oo galay Al-shabaab

Galmudug


Wasaaradda Amniga Gudaha ee maamulka Galmudug ayaa War Saxaafadeed ka soo saartay Odayaal Dhaqameedyo ka tirsan mid ka mid ah beelaha dega gobolada dhexe oo ku biiray Al-Shabaab.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in odayaashan oo saddex ah ay ku xukun yihiin Al-shabaab, iyadoo ciidamada Galmudug loogu baaqay iney gacanta ku soo dhigaan meel kasta oo ay ku arkaan si sharciga loo horkeeno.

Waxayna wasaaradda amniga gudaha ee maamulkaasi tilmaantay in ay ula dhaqmi doonto cid kasta oo gacan ka geysata dhaq-dhaqaaqa dhalinyarada sida ay ula dhaqmeyso dagaalyahanada Xarakada iyadoo laga duulayo go’aamadii laga soo saaray la dagaalanka argagixisada.

Wasaaradda ayaa uga digtay shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug in aysan u hoggaansamin awaamiirta Al-Shabaab, iyadoo ku adkeysay sida ay uga go’an tahay dowlad-goboleedka oo kaashanaya dowladda federaalka Somaliya in meesha laga saaro dagaalyahannada Xarakada Alshabaab.

Post a Comment

0 Comments