Maxaa ka jira in dowladii Farmaajo ay lunsatay lacag ku dhow $100 Milyan?

Musuqii Dawladii Farmaajo

Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa daabacay warbixin sannadeedka 2021 ee xaaladda maaliyadeed ee dawladda Somaliya.

Warbixintan hanti-dhowraha ayey ka muuqdaan khaladaad dhinaca maaraynta kharashaadka dawladda, qandaraasyada, iyo maamulka lacagaha soo galaya iyo kuwa ka baxaya, iyo weliba kabka miisaaniyadda.

Hanti-dhowraha ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay sanadkii 2021 lacag dhan $96,365,574 iyo dul-saarka daymeed oo dhan $14,605,118 ka daynsatay Bankiga Dhexe ee Somaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Iyadoo amaahdaas ay u baahnayd inuu baarlamaanku ansixiyo, hanti-dhowrku aanu arkin isla markaana aan la siinin wax caddaymo ah oo muujinaya in amaahdaas uu baarlamaanku oggolaaday, ama heshiisyada amaahda ee la galay.

Hanti-dhowraha ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameeyey 29 isugu jira wasaarado, iyo hay’ado dawladeed oo kale iyo laba safaaradood. Waxa uu sheegay in miisaaniyadda sannadkii 202-ka ay ahayd $666 milyan oo dollar laakiin baaritaankan uu ku sameeyey $382 milyan oo dollar.

Post a Comment

0 Comments