Maxay tahay sababta qaar ka mid ah xiddigaha kubbadda cagta ay u xiran yihiin maaskarada wajiga?


Waxaa maalmihii u dambeeyay ay dad badan wax iska waydiinayeen qaar ka mid ciyaartooyda caanka ah ee ka qeyb galaya koobka aduunka oo iyagu xiran maaskaraatiga wajiga lagu xirto.

Son Heung-min oo ah kabtanka iyo xiddiga weerarka uga ciyaara xulka South Korea ayaa soo galay garoonka isagoo xiran maaskaro madoow ah ciyaartii ugu horeysay ee wadankiisa uu la dheelay Uruguay koobka aduunka ee Qatar Khamiista.

Maaskarada ayaa daboolay qaybta sare ee wejigiisa. Ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

Sababta uu u isticmaalo maaskaraatiga ayaa ah in 1-dii November, ciyaar dhexmartay kooxda Ingariiska ee Tottenham Hotspur, oo uu u dheelo ciyaaryahanka South Korea iyo Olympique de Marseille, in isha bidix ay waxyeelo ka soo gaartay ka dib markii ay isku dhaceen daafaca reer Congo Chansel Mebma.

Waxaa dilaacday qeyb ka mid ah duleelka sankiisa waxaana Son Heung-min, oo 30 jir ah, uu galay qalliin bishan November, 4 ilaa shan maalmood ka dib wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka ciyaaro Koobka Adduunka, inkastoo qaar ka mid ah dadka ay shaki galiyeen sida uu uga qeyb gali karo Koobka Adduunka sababtoo ah waqtiga kooban ee uu ku soo kabtay.

Qoraal uu soo dhigay ANTSA, ayuu ku qoray 'Ma seegi karo Koobka Adduunka wax kasta oo dhaca.' Waxa uu intaasi ku daray inay tahay riyada ilmo kasta inuu u ciyaaro dalkiisa Koobka Adduunka.

Son ayaa ka mid ah ciyaartooyga goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka Premier League ingiriiska, Weeraryahanka South Korea ma aha ciyaaryahanka kaliya ee xirtay maaskaro koobka aduunka ee ka dhacaya dalka Qadar.

Difaaca Belgium Thomas Meunier ayaa sidoo kale lagu arkay isagoo xiran maaskaro ciyaartii ugu horeysay ee kooxdiisa ay la ciyaareen Canada Arbacadii. Meunier, oo 31 jir ah, ayaa sidoo waxaa dhaawac ka soo gaaray wajiga .

Waxaa jabtay mid ka mid ah lafaha wajigiisii taasi oo sababtay in uu xirto wax difaac. u noqdo jirkiisa. Dhacdadan ayaa dhacday 19-kii October ciyaar dhexmartay Borussia Dortmund, iyo Hannover 96.

Post a Comment

0 Comments