Amiir Harry oo sharraxay wixii dhacay markii uu 'u gacan qaaday walaalkiis William'

Harry and William

Amiir Harry wuxuu sheegay in walaalkiis William uu u gacanqaaday sida laga soo xigtay wargeyska Guardian kaas oo sheegay inay arkeen nuqul ka mid ah buugga amiirka ee Spare.

Wargeyska waxaa uu sheegay in buugga ay ku qoran yihiin muranka u dhexeeya walaalaha ee ku saabsan Meghan xaaska amiir Harry

“Kulleetiga ayuu igu dhagay, wuxuu xoog u jaray katiinadeyda, wuxuuna igu tuuray dhulka”

Labada qasri ee Kensington iyo Buckingham waxay sheegeen in aysan ka hadleyn. Qasriyada oo wakiilo ka kala ah amiir William iyo boqorka, ayaa u muuqda inay qaateen qorsha ah in khilaaf kasta uu degdeg u dhammaanayo iyadoon laga jawaabin

Dhinaca kale, muuqaal cusub oo ah horudhaca wareysi telefishinka ITV uu la yeeshay amiir Harry ayuu ku diiday inuu ka hadlo hadii uu ka qeybgalyo caleemasaarka boqorka ee dhacaya bisha May.

Wuxuu sheegay in waxbadan ay jiraan “Oo dhici karo inta u dhexeysa hadda ilaa markaas” iyo “Dhankooda ayey kubadda jirtaa”.

Buugga amiir Harry lama daabacyo ilaa tallaalada dambe balse wargeyska Guardian wuxuu sheegay inay heleen nuqul ka mid ah oo ay ku sheegeen “Buugga weli aan soo bixin ee aadka loo ilaalinayo”. BBC News weli ma arkin buugga Spare

Sida laga soo xigtay Guardian, buugga waxa uu sheegayaa in hadal uu amiir William ka sheegay amiir Harry isagoo jooga gurigiisa London 2019-kii, uu muranka sii kordhiyay.

Sida wargeysku sheegay, amir Harry wuxuu qoray in walaalkiisa uu aad uga horjeeday guurkiisa Megan Markle, wuxuuna amiir William ku tilmaamay sida inay tahay qof “Adag” oo “Edebdaran” oo “Xun”.

Amiir Harry waxa uu sharaxay wixii dhacay oo ay ku jiraan gacan ka hadal. “Wuu fariistay, magac kale ayuu iigu yeeray, kaddib waa ii yimid. Si degdeg ah ayey wax kasta ku dhaceen, “Kulleetiga ayuu igu dhagay, wuxuu xoog u jaray katiinadeyda, wuxuuna igu tuuray dhulka”

“Weelka eyga wax ku cuno ayaa ku dhacay kaas oo dhabarka iga xagtay iyo jirkeyga kale. Daqiiqad ayaan halkaas jiifay, anigoo wareersan, waa soo istaagay, waxaan ku iri iga tag”.

Hadalkaas soo baxay wuxuu abuuray in aragti xun laga qaato dagaalka qoyska iyagoo dhexjooga xarunta boqortooyada taas oo muujineysa inaysan muuqaan wax dib u heshiisiin ah

Martin Pengelly, oo ah suxufi u shaqeeya bogga Guardian ee Mareykanka, kaas oo sheekada qoray ayaa sheegay inuusan la xiriirin kooxda amiir William u qaabilsan xiriirka, Wariyuhu wuxuu sheegay in warbixintiisa “Xogta buugga Harry kaas oo isaga uu qorqay, ay tahay wixii Harry uu ka hadlay”.

Mr Pengelly wuxuu BBC Radio 5 Live u sheegay , “Si taxadar ah oo cad ayaan u sheegnay, kuma sheegin dagaal, maxaa yeelay Harry wuxuu sheegay inuusan dagaallamin”.

Amiir Harry wuxuu qoray in walaalkiisa uu kula taliyay inuu la dagaallamo, wuuna diiday taas, sida Guardian sheegtay, amiir William markii dambe wuu ka shalaayay isagoo raaligelin ka bixiyay”.

Sawirada la qaado ayaa muujinaya in amiir Harry uu joogto u xiran jiray katiinada madow marka uu tagayo munaasabadaha sida tii ugu dambeysay ee September 2019kii

Penguin Random House oo ah shirkadda buugga daabaceyso weli ma xaqiijin in buugga la helay uu yahay kii saxda ahaa inkastoo amir Harry uu dhawaan ka hadlay xiriirka xun ee walaalkii kala dhexeeya

Dukumenteriga Harry iyo Meghan ee Netflix, wuxuu amiir Harry kaga hadlay kulan dhexmaray isaga walaalkii iyo aabihii oo hadda boqorka a 

Amiir Harry ayaa ku tilmaamay shirkii dhacay horaantii 2020kii kaas oo boqoradda ay ka qeygashay “Argagax 

“Argagax ayuu ahaa  in walaalkey uu igu qeyliyo, abahyna uu dhaho waxyaabo aan run aheyn, ayeydeyna ay halkaas si deggan isaga fadhiso oo dhageysato” ayuu yiri

Guardian waxay sheegtay in amiir Harry uu faahfaahiyay kulankii uu la yeeshay aabihii iyo walaalkii kaddib duugtii awoowgii, amiir Philip bishii April 2021kii.

Hadii hadalka soo baxay uu sax yahay, arinta ugu xiisan badan ayaa ah in boqor Charles uu dhexda dagaal kaga jiro isagoo ka dalbanaya wiilashiisa dagaallamaya inaysan noloshiisa “Xumeyn”

Dhinaca kale amiir Harry wuxuu ITV u sheegay  “in aysan tusin wax muujinaya inay diyaar u yihiin dib u heshiisiin” inkastoo aysan cadeyn cidda uu ka hadlayay.

Qasriga Buckingham Palace way diideen inay ka hadlaan, Buugga Spare waxaa markii hore la aaminsanaa inay ku jiraan sirtii ugu weyneyd oo aan faahfaahin badan laga heyn.

“Ugu dambeyn tani waa sheekadii Harry,” shirkadda buuga daabacday Penguin Random House ayaa bishii Oktobar sidaa sheegtay.

Post a Comment

0 Comments