Paraguay oo Kooxda Ikhwaanul Muslimiinka ku tilmaantay Argagixiso khatar ku ah amniga iyo xasiloonida Caalamka.

Paraguay, Argagixisada

Guddiga Congress-ka Paraguay ayaa dharbaaxo cusub ku dhufatay ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kadib markii guddigu isku raacay in kooxdan tilmaamo urur argagixiso oo khatar ku ah amniga iyo xasiloonida caalamiga ah, iyo inay ku kacaan xadgudub weyn oo ka dhan ah ujeedooyinka iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay.

Sababaha iyo shuruudaha lagu ansixinayo go’aankan ayaa waxaa ka mid ahaa “Ikhwaanka oo la asaasay sannadkii 1928-kii Masar, waxay kaalmeeyaan dhinaca fikirka dadka qalalaasaha isticmaala, khatarna ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada Bariga iyo Galbeedka caalamka.

Sidaa darteed Gobolka Paraguay wuxuu si cad u diidayaa dhammaan falalka argagixisanimada, hababka iyo dhaqamada," taas oo ay iftiimisay warbaahintu. Maxaliga ah ayaa soo dhaweeyay ansixinta go'aanka.

Sidaa darteed Paraguay ayaa si cad u diiday dhammaan falalka argagixisada, hababka iyo dhaqamada," taas oo ay iftiimisay warbaahinta maxalliga ah, oo soo dhaweysay ansixinta go'aanka.

Wargeyska (Ultima Hora) ayaa sheegtay in dawlada Paraguay, oo uu madax ka yahay ninka asal ahaan ka soo jeeda Lubnaan, Mario Abdo Benitez, ay hore u tilmaamtay in ururada Hezbollah, Al Qaacida, ISIS iyo Hamas ay ka qayb yihiin argagixisada caalamka.

Sidoo kale Dawlada Comoros ayaa ku dhawaaqday liis ay ku xusanyihiin 69 urur, kuwaaso ay ku tilmaameen ururo Argagixiso ah, Waxaana ugu horreeya Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Alqaacida, Shabaab iyo Boko Haram.

Ikhwaanku waa koox argagixiso ah oo aan matalin habka diinta Islaamka, balse waxay raacdaa hadaf xisbi oo ka hor imaanaya hanuunka diinteena suuban.

Post a Comment

0 Comments