Dawlada Comoros oo ku dhawaaqday liis ay ku xusanyihiin 69 urur oo argagixiso ah waxayna mamnuucday dhaqdhaqaaqyadooda.

Comoros, Argagixiso

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dawlada Comoros ayaa ku dhawaaqday liis ay ku xusanyihiin 69 urur, kuwaaso ay ku tilmaameen ururo Argagixiso ah, Waxaana ugu horreeya Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Alqaacida, Shabaab iyo Boko Haram.

Sida lagu daabacay wargayska Al-Watan Al-Qamariya, liiska waxaa ka mid ahaa Daacish (ISIS), Ururada kala ah: Ikhwaanka Al-Qaacida, Boko Haram, Alshabaab, Ansar Al-Shareeca ee Tunisia, iyo Kooxda Islaamiga ah ee Masar.

Sidoo kale waxa lagu xusay Ururada xiriirka la leh shabakadaha Shiicada sida Xuuthiyiinta Yemen iyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada xiriirka la leh xarakada XizbulaIlaah ee dalalka Khaliijka.

Go’aankan oo sida ku cad qoraalka uu wargeysku soo saaray waxa uu soo bilaabmay 9-kii bishan February, isagoo ka duulaya qodobbada 1aad iyo 27aad ee xeerkii soo baxay 29-kii June 2021 ee golaha wakiillada qaranku ee ku xusan Lr. (21-004), ee khuseeya ladagaalanka argagixisada iyo maalgalinteeda, la dagaalanka lacagaha la dhaqo, 

Iyo sidoo kale la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo ku hoos shaqeeya dhaq-dhaqaaqyadaas, amarkooda ama heshiiskooda, kuwaas oo ujeeddooyinkooda iyo hababkoodu mamnuuc ka yahay dalka oo dhan”.

Maqaalka ugu horreeya ee go'aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha - oo wargeyska Al-Watan uu nuqul ka helay - ayaa tilmaamaya in "nidaamyadani ay khuseeyaan dhammaan hay'adaha maadiga ah iyo kuwa macnawiga ah ee xiriirka la leh oo la shaqeeya qaababkan ay khuseyso.

Wargeysku waxa uu sheegay in kulan hawleed ku saabsan sidii degdega ah loogu dhaqan gelin lahaa sharciga la xidhiidha la dagaalanka argagixisada iyo lacagaha la dhaqo, kaas oo ka dhacay hotelka Moroni, halkaasi oo uu shir gudoominayey wasiirka arrimaha gudaha Fikr El Din Mahmoud dhawaan.

Post a Comment

0 Comments