Ciidanka Xoogga dalka oo soo bandhigay xubno ka soo goostay Al-shabaab.

Alshabaab, Somalia

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo Bandhigay xubno ka soo goostay Alshabaab oo isku soo dhiibay dowlada Somaliya.

Labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu kala magacaabo Cabdulqaadir Yuusuf Aadan iyo  Salaad Maxamed ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Raggan ayaa 6-sano ka tirsanaa Al-Shabaab, waxayna ka qeyb qaateen dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobollada dalka qaarkood sida ay sheegeen wareysi ay bixiyeen.

Sidoo kale labadaan nin ayaa sheegay inay u adkeysa waayeen dhibaatada ay la kulmeyso al-shabaabkii ay ka tirsanaayeen, taasoo ku qasabtay inay ka soo haraan sida ay hadalka u dhigeen.

Post a Comment

0 Comments