Dagaal xooggan oo ka dhacay Deegaanka Dabagala iyo Wararkii ugu dambeeyay

Alshabaab, Galmudug

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Somaliya gaar ahaan kuwa Gorgor oo gacan ka helayay ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa AlShabaab ayaa ka dhacay deegaanka Dabagala ee koonfurta gobolka Mudug.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kaddib markii ciidamada milatariga iyo kuwa daraawiishta Galmudug  weerar ku qaadeen fariisimo AlShabaab ku lahaayeen deegaanka Dabagala

Dagaal culus ayaana labada dhinac ku dhax maray deegaankaasi, waxaana wararka qaar ee la helayo sheegayaan in dagaalka ay daba socdeen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsanayay fariisimaha AlShabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda hoggaaminayay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ay la galeen Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha sheegeen in Al Shabaab ka saareen deegaankii ay weerareen ayna halkaasi kaga dileen xubno badan.

Koonfurta gobolka Mudug deegaanno dhaca waxaa ka socday maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo ay wadeen ciidanka dowladda Somaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.

Post a Comment

0 Comments