Gabar laga mamnuucay inay farriin dambo u dirto Jaceylkeedii hore iyo Sababta keentay

sheeko la yaab ah

Been haddii aad moodi jirtay oraahda caanka ah ee tiraahda: Allahayow haween naga jecleysiin iskama karnee; hana na necbeysiin iskuma karnee, hadda rumeyso. 

Sababta oo ah haweeney ku nool UK ayaa laga mamnuucay inay farriin qoraaleed dambe ay dirto kaddib markii in ka badan 150 jeer ay farriimo u dirtay jaceylkeedii ay kala hareen oo aan in badan wax xiiso u qabin ama aan jecleyn.

Ujeeddada ka dambeysa farriimaha badan oo ay u dirayso jaceylkeedii hore ayay uga dan lahayd inay dib ugu hanato.

Michelle Felton, waa gabar 28 jir ah oo dhawaan laga mamnuucay inay la xiriirto ama farriimo u dirto jaceylkeedii hore oo la yiraahdo Ryan Harley muddo 18 bilood ah, waxaana sidoo kale la faray inay gudato howlaha adeegga dadweynaha sida nadaafadda ganaax ahaan.

Waxaa dhaqankeeda loo arkay mid ay ku dhibaataynayso jaceylkeedii hore oo qadyaan ka jooga farriimaheeda xad dhaafka ah. 100 jeer ayay marna wacaysay marna u diraysay farriimo si ay uga dhaadhiciso inuu usoo laabto, Waxay xiriir jaceyl lahaayeen muddo 21 bilood ah.

Post a Comment

0 Comments