Xukun culus oo lagu riday Lamaane xog uu Mareykanka leeyahay ka iibinayay dal shisheeye

Diana & Jonathan Toebbe

Injineer hore uga tirsanaan jiray ciidammada badda ee waddanka Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa West Virginia loogu xiray inay isku dayeen inay sir milateri ka iibiyaan dal shisheeye oo aanan la cayimin.

Jonathan Toebbe oo 42-jir ah ayaa ka shaqeyn jiray xafiiska madaxa howlgallada ciidammada badda waxaana lagu qabtay isagoo gudbinaya xog sir ah oo ku saabsan markiibta dagaalka ee uu nukliyeerku saaran yahay.

Waxaa lagu xukumay 18 sanadood oo xabsi ah, halka xaaskiisa Diana madaxa loo galiyay 21 sanadood oo xarig ah, xabsigaas oo ka culus intii markii hore la filayay.

Xaakimka ayaa soo jeediyay in haweenayda oo 42-jir ah, ay howlgalka mas’uul ka aheyd.

Dikumintiyada maxkamadda ayaa shaaca ka qaadaya in macalimaddii hore ay kor ka ilaalinaysay ninkeeda markii uu xog ku qarsooneyd kaarka xogaha lagu kaydiyo uu ka tegay kaddibna ay qarisay.

Dacwad oogayaasha ayaa markii hore doonayay in Toebbe lagu rido xabsi dhan 17.5 sanadood halka xaaskiisa ay doonayeen in la xiro 3 sanadood. Hasayeeshee Xaakimka Mareykanka ee Gina Groh ayaa sheegtay inay dalabaadkaas u aragtay kuwa aan dhammaystirnayn.

“Waxay u badan tahay in Mrs Toebbe ay arrinta gadaal ka riixaysay,” xaakimka ayaa tiri. “Qeyb ayey ka aheyd qorshaha.”

“Waxyeellada loo gaysanayo dalkan waa mid culus, waqti adag ayeynu noolnahay,” ayey xaakimku tiri markii ay Martinsburg ka akhrinaysay xukunkeeda.

Xaakim Groh ayaa sidoo kale walwal ka muujisay habdhaqanka xaaska, taas oo la qabtay iyadoo warqad u gudbinaysa ninkeeda xilli ay labaduba xirnaayeen markaas oo ay ku boorinaysay inuu raaco qorshaheeda uuna meesha ka saaro khaladaadka ay samaysay, “Waxa ay doonaysay in [ninkeeda] uu been sheego,” ayey xaakimku tiri.

Ninka ayaa khabiir ku ah hannaanka lagu kiciyo nukliyeerka saaran maraakiibta dagaalka, kaas oo kamid ah sirta qaranka ee sida wayn loo ilaaliyo.

Iskudayga xadista xogta qarsoon ayaa bilaabatay bishii Abriil ee 2020, markaas oo sida waaxda cadaaladdu ay sheegtay, ninka uu la xiriiray sarkaal u shaqeynayay dowlad shisheeye isagoo boostada u dhigay warqad uu ku leeyahay waxaan idinkugu soo gudbin karaa xog ku saabsan nukliyeerka saaran maraakiibta dagaalka.

Wargeyska New York Times ayaa ku warramay in sarkaal u dhashay waddanka Brazil uu la xiriiray FBI-da kaddib markii uu soo qaabilay ninka, FBI-da ayaa markaas kaddib iska dhigtay in ay wakiil u yihiin dal kale kaddibna Jonathan Toebbe ayaa siiyay sirta milateri.

Post a Comment

0 Comments