Waxba ma aragto, balse waxay ka heshaa dalxiiska daawashada duur-joogta.

Lucy

“Markii aan indhaha beelay waxaan aad uga welwelay inaanan mar dambe ku raaxaysan doonin fasaxyadeyda. Maxay ka dhigan tahay in qofa uusan waxba arkin? Balse, waxaan hadda ku jiray mid ka mid ah safarrada ugu cajiibsanaa ee noolasheyda i soo mara.”

Xirashada kabaha lagu lugeeyo ee quruxda badan , waxaan si lama filaan ah u gartay markii ku turunturooday "bartamaha" - raxan duurjoogta loo yaqaano wiyisha . Waxaa dareemayay in ay mareyso dabeylo nadiif ah.

Waxaan ku suganahay seeraha lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Ol Pejeta - oo ah dhul ka kooban meel 90,000-hegtar taasi oo ku taal bartamaha Kenya.

Ilaalada duurjoogta ee seerahan ku sugan ayaa ii oggolaaday in aan taabto maqaarka wiyisha lagu magacaabo Baraka. Sidayda oo kale, Baraka way indho la’dahay.

“Markii aan indhaha beelay waxaan aad uga welwelay inaanan mar dambe ku raaxaysan doonin fasaxyadeyda. Maxay ka dhigan tahay in qofa uusan waxba arkin? Balse, waxaan hadda ku jiray mid ka mid ah safarrada ugu cajiibsanaa ee noolasheyda i soo mara.”

Xirashada kabaha lagu lugeeyo ee quruxda badan , waxaan si lama filaan ah u gartay markii ku turunturooday "bartamaha" - raxan duurjoogta loo yaqaano wiyisha . Waxaa dareemayay in ay mareyso dabeylo nadiif ah.

Waxaan ku suganahay seeraha lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Ol Pejeta - oo ah dhul ka kooban meel 90,000-hegtar taasi oo ku taal bartamaha Kenya.

Ilaalada duurjoogta ee seerahan ku sugan ayaa ii oggolaaday in aan taabto maqaarka wiyisha lagu magacaabo Baraka. Sidayda oo kale, Baraka way indho la’dahay.

Waxaan indhaha beelay ku dhawaad ​​10 sano ka hor - anoo 17 jir ah - taasi oo ahayd xaalad dhanka hidda sidaha iga so gaaray. Waxay igu qaadatay wakhti inaan la qabsado fasaxyada ka qof araga la'a ahaan, taas oo aan u arki jiray mid qaali ah.

Hadda waxaan ogahay inaan wali ku raaxaysan karo safarada aan ku tago dalalka shisheeye, inkastoo aanan awoodin inaan wax arko - laakiin waxaan hadana aadaa goobaha duurjoogta lagu xanaaneeyo ee safariga loo yaqaano?

Waa hubaal inay tahay waayo-aragnimo "inaan khibrad ka kororsado" Waxaan dareemay wax badan ka dib markii aan la kulmay qofka haga dadka dalxiisayaasha , William. Waxa uu aniga ka hor safar u qaaday qof aniga ila mid ah oo indhoole ah.

Laakiin, dadka aragga naafada ka ah waxa ay leeyahay heerar kala duwan oo dhanka muuqaalka ah, weli waxaan u baahanahay inaan isbarano.

Xusuustayda waxyaabihii aan horey u arki jiray inta badan maskaxdeyda way ka baxeen, waxaana ka mid ah waxyaabaha xusuusteyda ka baxay - duurjoogta Afrika. Waxyaabaha xusuusteyda wali ku haray waa kuwa aan maskaxda ka sawirto tobankii sano ee la soo dhaafay.

Haddii aan isku dayo in aan xasuusto maroodi tusaale ahaan, xasuus muuqaal ah ayaa ka soo baxaysa khaanadda sawiro xayawaan aoo walaashay ugu dhajisnaa gidaarka qolka jiifka markii aanu yarayn.

Markaa xusuusteyda waa inaan eber ka soo bilaabo oo aan hubiyo inaan khibrad weyn ka helay isticmaalka dareenadeyda kale.

Waan ogahay inay u ekaan karto wax la yaab leh, laakiin run ahaantii uma xiisan arageygii, islamarkaana Kenya kuma sugnayn waqtigii ana jeclaan lahaa inaan sii joogo.

Marka hore, William waxa uu i geeyay madxaf ku yaalla Nairobi halkaas oo la ii oggolaaday in aan taabto waxyaabo qadiimi ah. 

Hadda waxaan aad ugu tiirsanahay dareenkayga kale, si aan awood ugu yeesho inaan gaaro oo aan dareemo maqaarka maroodiga iyo Geriga run ahaantii waxay iga caawisay inaan bilaabo "wax arkid". 

Dareenkaygu wuxuu bilaabay inuu tooso markii aanu magaalada ka soo baxnay islamarkana aan soo raacnay gaari ah kuwa dalxiisayasha loogu talagalay. Dhulku aad buu u gariiray markii aanu uu gaariga xawaare sare ku socday.

Markii aan gaarnay Ol Pejeta, William iyo ilaalada kale ee duurjoogta waxay si cajiib ah iigu sharaxeen wiyisha iyo maroodiga horteenna maraya- sida ay u socdaan, waxa ay cunayaan, iyo qaabka ay uga u falcelinayaan joogitaankeena. 

Dhammaantood waxay iga caawiyeen inay sawir iga siiyaan waxyaabaha nagu haraareysan oo aan maskaxda aan ku qaato sawirka ay i siiyeen.

Kadibna gacmahayaga ayaanu galinay dhulka badan, In badan oo ka mid ah waa caws , ayuu ii sheegay. si wanaagsan ayaa u ursaday - waxay ka soo urisay cawska. Gaariga ayaa mar kale nagula kaxeeyay anaga oo raadinayna libaax.

Waxaan la kulanay mid ka mid ah libaaxydaasi oo sideyda oo kale lagu magacaabo - Lucy. Aayar ayaan garabkeeda u soo dhawaanay- hurdo aad u weyn ayay ku jirtay. Aad ayaan ugu dhownaay, waxaan maqlayay neefteed .

Waxaan waydiiyay William inay u egtahay libaaxyada ku jira King Lion? Taasi waxay ahayd sawirkii ugu dambeeyay ee xayawaankii aan ku kaydiyay qolka xusuustayda. Haa - ayuu igu yiri.

Toddobaadyo roob ma da'in, laakiin markii dambe roob wayn ayaa noo da'ay.

Dhibcaha waaweyn ee roobka, iyo dhawaaqa ay sameeyeen markii ay dhulka ku dhacaan, waxa ay nafteyda dareemeysay in uu safarkan ahaa kii ugu fiicnaa noloshayda.

Joogitaanka dalxiis ee goobtan lagu xanaaneeyo duurjoogta waxay ahayd mid cajiib ah, laakiin waxaa jirtay hal khibrad oo aan runtii ka walwalay - sababtoo ah ma aanan awoodin inaan arko.

Waxay ahayd waxa loogu yeero "cadceedu" marka dadku fadhiistaan banaan galabtii oo ay ​ daawanayan cirku oo sidii liinta iyo casaan isu beddelaya taasi oo ah marka ay qoraxda dhaceyso.

Laakiin markii ay dhab ahaantii timid, ma jirin qorrax dhac - oo waxaa jiray roob. Ilmo farxad leh ayaa iga timid waxay u ekeyd in dunidu ay i ogeysiinayso inaanan u baahnayn inaan qorraxda arko.

Post a Comment

0 Comments