Heshiis cusub oo ay galeen Dawladaha Somaliya iyo Uganda.

Somalia & Uganda

Golaha Wasiirrada Somaliya ayaa habeen hore isugu yimid shir aan caadi aheyn, kaas oo lagu ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis oo kala quseeya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sharciga koowaad ee ay ansixiyeen golaha wasiirrada Somaliya ayaa ahaa ‘Hindise sharciyeedka la dagaallanka Argagixisada’ oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, maadaama lagu jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale hindise sharciyeed kale oo dhinaca socdaalka quseeya ayaa lagu ansixiyey shirkii caawa, waxaana labadaas hindise sharciyeed soo diyaarisay wasaaradda amniga Somaliya. 

Heshiiskaas ay wada-galeen Somaliya iyo Uganda waxaa golaha hor keentay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, wuxuuna wasiirka ganacsiga ka hor sheegay golaha in heshiiskaan uu wax badan ku soo kordhin doono ganaciyada dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, isla markaana uu muhiim u yahay iskaashi dhinaca dhaqaalaha ah oo dhex mara labada dal ee Somaliya iyo Uganda.

Post a Comment

0 Comments