Shan qof oo 11 cisho ka dib nolol looga soo saaray burburka dhulgariirka Turkiga

Dhulgariirkii Turkiga

Waxaa weli socda Hawlgalo lagu fagayo burburka Dhismayaasha, si looga soo saaro dad nool iyo maydadka ka dib Dhul-gariirkii lagu hoobtay ee ka dhacay dalka Türkiye, 11 maalmood kadib 5 qof oo nool ayaa la soo saaray burburka.

Mustafa Avcı oo 34-jir waxaa laga soo saaray burburka Isbitaal ku yaalla magaalladda Hatay, Isagoo 261 saacadood ku hoos xanibnaa burburkaasi, Waxaa kaloo burburka Isbitaalka soo  saaray Mehmet Ali ÅžakiroÄŸlu oo 26 jir ah.

Labada qof ee Fadliga Allaah ku soo badbaaday waxaa degdeg loo dhigay Isbitaalka, iyadoo ay Kooxda Gurmadka iyo dad kale u dabaal degeen labada qof ee la soo badbaadiyey.

Sidoo kale,  Kooxaha Gurmadka waxay soo badbaadiyeen haweeney 42 jir ah oo lagu magacaabo Neslihan Kılıç, taasoo muddo 258 saacadood ku hoos xanibnayd burburka Dhismo aad u dheer oo ku yaalla Degmadda KahramanmaraÅŸ.

Dhismahaasi laga soo saaray Neslihan Kılıç waxaa kaloo ku hoos xaniban Walaalkeeda, Saygeeda iyo 2 carruur oo ay  dhaleen, kuwaasoo aan weli nolol iyo geeri la ogeyn waxa ay ku sugan yihiin, Burburka Dhismahaasi dheer waxaa horey ugu dhintay in ka badan 250 qof, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Dhanka kale, 10 saacadood kadib Badbaadinta Haweeneydaas waxaa dhismahaasi laga soo saaray  Gabar lagu magacaabo Aleyna Ölmez oo 17 jir ah oo 248 saacadood ku xanibnayd burburka Dhismahaasi.

Kooxaha Gurmadka waxay kaloo bisad nool ka soo badbaadiyeen Dabaqa Shanaad ee Dhismo ku burburay Dhul-gariirkii ka dhacay Gobalka  Hatay ee K/bari ee dalka Türkiye.

Hawlaha Gurmadka ee dalkaasi waxaa ka qeyb qaadanayo ku-dhawaad 265,000 oo qof oo isugu jira Badbaadiyayaal Caalami iyo Mutadawaciin (Volunteers).

Si kastaba, Tirada Guud ee dadka ku dhintay Dhul-gariirkii bishan 6-dii ka dhacay dalka Türkiye waxay haatan gaareen 38,044 qof,  sida lagu caddeeyey Warbixintii ay soo saartay Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka ee dalka Türkiye (The Disaster and Emergency Management Authority (AFAD).

Post a Comment

0 Comments