Lix jir macallimadiisa gudaha fasalka ku dhex togtay oo la xiray

sheeko naxdin leh

Wiil yar oo lix jir ah ayaa booliiska ay xireen kadib markii uu toogasho ku dilay macalin ku sugnaa gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Toogashada ayaa dhacday abaare 2-dii xilliga maxaliga ah waxayna ka dhacaday dugsiga hoose ee Richneck ee magaalada Newport News, sida uu sheegay guddoomiye Steve Drew.

Ma cadda sida uu ilmuhu ku helay qoriga, laakiin Mr Drew wuxuu sheegay in dhacdadani aanay ahayn "toogasho shil ah".

Macallimadda oo aan magaceeda la shaacin ayaa la sheegay in da'deeda lagu sheegay 30-sano jir, waxaana soo gaaray dhaawacyo halis ah.

Waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla deegaanka, waxaana si dhow ula socda dhaqaatiirta. Dhacdadan ayaa ka dhacday fasalka koowaad ee iskuulka oo ay dhigtaan arday da’dooda tahay lix ilaa 7 jir ka dib markii ay isku dhaceen macalimadda iyo ardayga.

Balse Mr Drew waxa uu carrabka ku adkeeyay in toogashadu ay ahayd dhacdo lama filaan waxa uuna carabka ku adkeeyay in saraakiishu “aysan arkin uu qof toogasho ka fulinaya gudaha dugsiga”.

Saraakiisha ayaa sheegay in iyadoo dugsiga - oo ay dhigtaan ku dhawaad ​​550 arday - uu lahaa qalab lagu baaro walaxaha ka sameynsan biraha, ardayda waxaa lagu baari jiray si kedis ah iyada oo aan ilmo kastana la baari jirin.

Booliska ayaa ka gaabsaday in ay sheegaan nooca hubka loo adeegsaday toogashada, balse waxa ay sheegeen in wiilka uu adeegsaday qoriga gacanta.

Madaxa degmada Dr George Parker ayaa sheegay in saraakiishu "ay eegi doonaan tusaale kasta oo laga yaabo inay sababtay dhacdadan".

"Waa dhacdo aad u xun oo naadir ah, mana ahayn inay dhacdo," Dr Parker ayaa intaasi ku sii daray: "Waxaan rabnaa inaan hubinno in tani aysan mar kale dhicin."

Waxa uu sheegay in iskoolka la xirayo maalinta Isniinta ah, waxa uuna balan qaaday in ardayda iyo waalidiinta la siin doono taageero si ay ula tacaalaan dhibaatada xanuunka badan.

Duqa magaalada Phillip Jones - oo xilka la wareegay saddex maalmood uun ka hor - ayaa sheegay in toogashadu ay "maalin madow u tahay magaalada Newport News".

Guddoomiyaha gobolka Virginia Glenn Youngkin ayaa sheegay in uu u fidiyay gargaar saraakiisha maxalliga ah, isaga oo intaa ku daray in maamulkiisu uu "diyaar u yahay in uu gacan ka geysto arrintan si kasta oo ay awoodaan".

"Waxaan sii wadayaa la socodka xaaladda, waxaana ku duceynayaa inay sii socodo badqabka dhammaan ardayda iyo bulshada," ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Newton News waa magaalo ay ku nool yihiin 180,000 oo qof waxayna ku fadhidaa qiyaastii 70 mayl (112km). Waxay dhanka koonfureed kaga taallaa caasimadda gobolka ee Richmond.

Post a Comment

0 Comments