Dabley la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Alshabaab,Muqdisho

Ciidamada amaanka DF ayaa sheegay iney suuqa Bakaaraha ku dileen rag hubeysan oo ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab.

“Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaaraha ku toogtay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaasoo ku hubaysnaa laba qori” ayaa lagu yiri qoraal laga baahiyey Warbaahinta Qaranka.

Raggan ayaa lagu eedeeyey iney isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

“Sidoo kale ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaajta ay saarnaayeen Khawaarijtan iyo Darawalkii Mootada u waday” ayaa lagu yiri warka laga sii daayey warbaahinta DF.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in ciidamada amaanka ay labo nin oo hubeysnaa ku dileen Suuqa bakaaraha hase ahaatee lama oga raggaasi inay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo in kale.

Post a Comment

0 Comments