Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya howlgalka dalka looga saarayo Al-shabaab

ATMIS

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa hambalyo diirran u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xuska bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Xilligani waa xilli aad diirada saareyso Allaha awooda leh waa Waqti lagu nadiifiyo nafta, xoojinta xiriirka qoyska, iyo muujinta dareenka iyo naxariista kuwa tabarta yar,” ayuu yiri danjire Souef.

Waxaa uu ku booriyay dadka muslimiinta ah inay u duceeyaan dalka inta lagu jiro bisha barakeysan si uu uga gudbo caqabadaha hortaagan loona xaqiijiyo in nabad iyo xasilooni la xaqiijiyo.

“Inta lagu jiro bisha barakeysan iyo xitaa ka dib, aan aan si dhow ula shaqeyno kuwa madaxda ah si aan u dhisno Soomaaliya ammaan ah, barwaaqo ah. Waxaan abaal ku leenahay jiilalka hadda jira iyo kuwa soo socda,” ayuu yiri Danjire Souef.

Waxay uu sheegay in Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), uu sii wadi doono inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira wax uu ugu yeeray argagixisada Alshabaab iyo kooxaha kale ee hubaysan ee u diiday dalka nabadda ay dad badani u ooman yihiin.

Post a Comment

0 Comments