Sharciga la Dagaalanka Argagaxisada oo la ansixiyay iyo Mahad Salaad oo ka hadlay

Somaliya, Alshabaab

Xildhibaanada Golaha Shcabka ee baarlamaanka Somaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixsada, oo wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya horgeesay baarlamaanka .

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood kulul ka yeeshay sharciga la dagaalanka argagaxisada, waxaana xildhibaano badan sheegeen in sharcigan muhiim u yahay la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Dood dheer kaddib xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday sharcigan, waxaana  ogolaatay ansixinta sharcigaas 133-xildhibaan, seddax Xildhibaan ayaa diiday, halka todoba xildhibaana ay ka aamuseen.

Dhinaca kale Agaasimaha hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa xildhibaanada golaha shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixsada.

Mahad Salaad ayaa sheegay in sharcigan uu laf dhabar u yahay dagaalka lagula jiro kooxaha hubeesan, waxa uuna xusay in ansixinta sharcigan kusoo aaday xilli baahin weyn loo qabo dagaalna lagula jiro AlShabaab.

Agaasimaha hay’adda NISA ayaa sidoo kale ka codsaday guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare in iyana ansixiyaan sharcigan la dagaalanka argagaxisada, uu tilmaamay in baahi weyn loo qabo si shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado argagaxisada.

Post a Comment

0 Comments