Ciidanka DF oo soo bandhigay labo Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Alshabaab.

Laamaha amaanka dowlada Somalia labo sarkaal oo ay sheegeen iney ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo ka dagaalamayey gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Mid ka mid ah saraakiishan oo magaciisa lagu sheegay Xussen Daahir Maalin “Dhagey” ayaa kooxda Al-Shabaab uga biiray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu hogaaminayay dhowr weerar oo kooxdu ku qaaday qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud wuxuuna ugu dambeyn isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga ee ku sugan Degmada Ceeldheer.

Sidoo kale Calas Ibraahim Axmed barre oo al-shabaab uga biiray Degmada Ceeldheer  ee Gobolka Galgaduud ayaa ciidanka DF waxay ka soo qabteen degmada Ceeldheer xili uu doonayay inuu dhibaateeyo dad rayidka ah sida ay sheegtay warbaahinta DF.

“Dhagar qabahan waxaa soo qabtay Kumaandoska Gorgor dib markii xogtiisa la halay” ayaa lagu yiri warka laga baahiyey warbaahinta ku hadasha codka DF.

Saraakiil iyo xubno kale ee ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa mudooyinkan isku soo dhiibayey ciidamada DF ka dib markii kooxda uu gacanteeda ka baxay dhul balaaran oo ka tirsan gobolada Hiiraan, Sh/Dhexe, Galgaduud iyo meelo kale.

Post a Comment

0 Comments