Mareykanka oo qorsheenaya in uu ka furto Latin Amerika Xarumo uu dejiyo soo galootiga

Maraykanka

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheeneysa in xarumo la geeyo soo galootiga dalkeeda sharci darada kusoo galaya ka furato dalal ku yaalla qaarada Latin Amerika, si ay xal ugu hesho dadka dalkeeda kusoo qul qulaya.

Mareykanka ayaana xarumaha uu geenayo dadka soo galootiga ah ka furanaya dalalka Colombia iyo Guatemala, waxa uuna qorshahan Mareykanka uga gon leeyahay sidii loo dhimi lahaa soo galootiga aan sharciga lahayn.

Xarumahan Mareykanka ka furanayo dalalka kuyaalla Latin Amerika ayaa lagu sii heyn doonaa dadka doonaya in codsiyadooda aqbalo Mareykanka, waxaana dadka codsadayaasha guuleesta loo oggolaan doonaa in si sharci ah ku galaan Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale joojinaya dadka isku daya in ay si sharci darro ah dhinaca badda uga gaaaraan America in aan loo oggolaan doonin sii daynta sharafeed, taasoo u oggolaanaysa inay si ku-meel-gaar ah ugu noolaadaan oo uga shaqeeyaan Mareykanka.

Qorshahan Mareykanka uu xarumo cusub uga furnayao Latin Amrika dalal kuyaalla ayaa imaanaya xilli ay kordheen dadka sida sharci darada ah ku galaya dalka Mareykanka ,kuwaa oo socdaal dheer ku gaaray gudaha dalkaasi.

Post a Comment

0 Comments