Salvador: 2,000 oo maxaabiis budhcad ah oo xabsi loo wado

Salvador

Kooxdii ugu horreysay ee 2,000 oo maxaabiis looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin budhcadda El Salvador ayaa loo raray xabsi weyn oo cusub, oo xudun u ah hawlaha madaxweyne Nayib Bukele oo isagu ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah dambiyada.

Tobanaan kun oo looga shakisan yahay in ay budhcad yihiin ayaa dalka laga soo aruuriyay xaalad degdeg ah kadib markii ay bateen dilalka iyo dambiyada kale ee rabshadaha wata, Xabsiga ayaa ugu dambeyntii qaadi doona in ka badan 40,000 oo qof.

Sawirrada ayaa muujinaya tiro aad u badano o ah kooxdii ugu horeysay ee maxaabiista kuwaas oo isku silsiladeysan oo kaxaynayo xarunta cusub.

Maxaabiista ayaa dhulka la fadhiisiyey iyaga oo gacmaha loo saaray madaxooda laga xiiray, aadna la isugu cariiryay ka hor inta aanan loo qaadin xabsigooda cusub

Madaxweyne Bukele ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in 2,000 oo qof ee ugu horreeyay lagu wareejiyay “waaberigii, hal hawlgal” oo la geeyay Xarunta Xakamaynta Argagaxisada, oo uu sheegay in uu yahay xabsiga ugu weyn qaaradda Ameerika.

"Kani wuxuu noqon doonaa gurigooda cusub, halkaas oo ay ku noolaan doonaan tobanaan sano, iyagoo dhamaantood la isku dhex daray, oo aan awoodin inay waxyeello kale u geystaan dadweynaha."

Xabsiga weyn - oo ku yaal Tecoluca, oo 74 kiiloomitir (46 mayl) koonfur bari ka xigta caasimadda San Salvador - ayaa ka kooban siddeed dhismo. Mid kastaa wuxuu leeyahay 32 qaybood oo qiyaastii ah 100 mitir oo laba jibbaaran si loogu xareeyo "in ka badan 100" maxbuus, ayey dawladdu sheegtay.

Qaybaha kala duwan waxay leeyihiin laba musqulood oo kaliya midkiiba.

Madaxweyne Bukele ayaa ku dhawaaqay "dagaal ka dhan ah budhcadda" bishii Maarso ee la soo dhaafay, isaga oo meel mariyay tillaabooyin degdeg ah oo dhowr jeer la kordhiyay.

Awoodaha deg-degga ah ayaa muran ka dhashay maadaama ay xadidayaan qaar ka mid ah xuquuqaha dastuuriga ah, sida in ciidamada loo ogolaado in ay soo qabtaan dadka la tuhunsan yahay amar la’aan, In ka badan 64,000 oo tuhmaneyaal ah ayaa loo xiray olole ka dhan ah dambiyada.

Dawladda ayaa sheegtay in kooxaha dambiilayaasha ah sida MS-13 iyo Barrio-18 ay gaarayaan tobanaan kun ayna mas’uul ka yihiin dilalka, baadda iyo ka ganacsiga daroogada. Ujeedada xarigga ballaaran ayaa ah in kooxaha burcadda ah laga dhigo "kuwa la waayo guud ahaan," ayay dowladdu tiri.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ku doodaya in dad aan waxba galabsan lagu qabsaday siyaasadda, qaar ka mid ah dadka la xirayna waxay sheegeen in lagula kacay “falal ka baxsan bini’aadantinimada ama sharaf dhac”.

Post a Comment

0 Comments