Al Shabaab oo la sheegay in lacag ku bixiyaan in ciidanka dowladda isticmaalaan Maan-dooriye.


Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamo booliis sida milatariga u tababaran ayaa uga digay in ay isticmaalaan maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamadan cusub oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda ayaa wasiirka uga digay in ay isticmaalaan maan-dooriyaha , waxa uuna sheegay in sumcada ciidanka iyo shaqadooda dhib weyn ku hayo isticmaalka maan-dooriyaha.

Wasiirka ayaa sheegay in maan-dooriyaha ay ku jiraan xashiishka, calaqa , jaadka iyo balwada guud ahaan in Al Shabaab lacag badan ku bixinayaan, si ay ciidamada cusub u isticmaalaan uguna mashquuliyaan.

“Shabaab oo cadawigiina ah ayaa qarashaad ku bixiya xashiishka iyo calaqa lasiiyo ciidamada xoogga dalka, Balwad iskuma ogin ee iska ilaaliya waa digniin” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Somaliya.

Ciidankan cusub ee tababar loogu soo xiray dalka Uganda ayaa waxaa maal-galiyay oo qalabeenaya dowladda Imaaraadka Carabta, lamana oga in ciidankan noqon doonaan kuwa ka caagan maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan oo si weyn u isticmaalaan ciidamada.

Post a Comment

0 Comments