Ciidanka DF & dadka degaanka oo saaka Al-shabaab ku weraray degaanka Max’ed Xassan

Ciidanka DF

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowlada Somaliya iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Maxamed Xasan oo u ku yaalla inta u dhexeysa degaanada Baardheere iyo Beerxaanno ee dhaca Koonfurta Magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidanka dowladda ay heleen xogta ah in xubno Al-Shabaab ka tirsan ay soo galeen deegaanka Maxamed Xasan, taasoo keentay in ciidanka iyo kuwa deegaanka ay weerar saf ballaaran ah ku qaadaan degaankaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay galeen Godad ay ka sameysteen dhulka Buurta ah ee degaanka Maxamed Xasan, hayeeshee Ciidamada dowladda ay hub culus ku garaaceen si ay uga saaraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Ow-bakar Dhagaweyne, Wasiirkii hore ee Gaadiidka Badda Faarax Gacameey iyo saraakiil ciidan ayaa hoggaaminaya ciidanka weerarka ku qaaday fariisinka Al-Shabaab ee deegaanka Maxamed Xasan, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Maxamed Xasan ayaa sheegaya in weli meelo ka mid ah degaanka laga maqlayo rasaas xooggan, dagaalkana uu weli socday illaa barqanimadii maanta.

Post a Comment

0 Comments