Al-Shabaab oo WEERAR culus ka fulisay KENYA

Alshabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan AlShabaab ay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaas, gaar ahaan dhinaca magaalada Mandera.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo halkaas ku sugnaa, waxaana xigay dagaal toos ah.

Ciidanka la weeraray ayaa waday howlgal roondo ah, waxayna si gaadmo ah ula kulmeen xubnaha Al-Shabaab oo uu iska hor imaad ku dhex-maray halkaasi.

Sarkaal sare oo u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka, isla-markaana uu ahaa mid gaadmo ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in ugu yaraan 1 askari uu ka dhintay, laba kalena ay dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay khasaare lixaadleh ku gaarsiisay ciidanka dowladda Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Somaliya oo la qorsheynayo in dhowaan dib loo furo.

Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe kordhisay weeraradeeda dalka Kenya, ayada oo  uga jawaabeyso dhaq-dhaqaaqa ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Somaliya.

Post a Comment

0 Comments