Weerar Cir iyo dhul ah oo saakay lagu qaaday deegaan Al Shabaab isku aruursanayeen

Ciidanka xooga dalka Somaliyeed

Ciidamada xoogga dalka Somaliya ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Baladul Amiin oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo la sheegay in ay isku aruursanmayeen xubno katirsan Al Shabaab.

Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay in howlgalka saakay ciidamada dowladda ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin, lagu beegsaday dagaalyahanno katirsan Al Shabaab oo la helay xogtooda iyaga oo halkaasi isku aruursanaya.

Weerarka saakay lagu qaaday deegaanka Baladul Amiin ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal oo ay leeyihiin saaxiibada Soomaaliya ka taageera howlgalada ka dhanka ah AlShabaab sida telefishinka dowladda baahiyay.

Howlgalkan ayaa la sheegay in Al Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan, waxaana warka lagu baahiyay telefishinka dowladda lagu sheegay in howlgalka uu wali socdo lana shaacin doono xogta khasaaraha Al Shabaab la gaarsiiyay.

Post a Comment

0 Comments