Xubnihii ugu badnaa ee kasoo goostay Al Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Alshabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigay dagaalyahanno katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay.

Dagaalyahannada AlShabaab ee isku soo dhiibay ciidanka dowladda ayaa gaaraya toban xubnood, waxaana ragan la sheegay in ay katirsanaayeen qeybta jabhadaha Al Shabaab.

Xubnahan kasoo goostay AlShabaab ayaa sheegay in kooxda uga soo baxeen dhibaatooyin jira owgeed, waxa ayna xuseen in ay ka faa’iideesteen cafiska Dowladda u sameesay dadka kasoo baxaya Al Shabaab.

Kooxdan kasoo goosatay Al Shabaab ayaa noqonaya tiradii ugu badneed oo muddooyinkan dambe isaga soo taga kooxdaasi, waxaana markii hore lasoo bandhigi jiray hal ama labo nin oo kasoo goosata Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments