Ciidanka xoogga dalka oo Al-Shabaab dib uga qabsaday degaan hoos taga Baydhaba

Ciidanka xooga dalka oo dib uxoreeyay degaanka Gaafgaduud-buurey ee gobolka Bay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dib ula wareegay degaanka Gaafgaduud-buurey ee gobolka Bay oo Axadii toddobaadkaan ay dagaal kula wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay xaqiijiyeen dad ku nool deegaankaas ciidanka dowladda Somaliya ayaa shalay gudaha u galay deegaanka, waxayna dib u degeen xeryahoodii ay Axadii soo baneeyeen.

Kooxda AlShabaab ayaa la sheegay inay isaga carartay deegaankaas markii ay ka war-heleen in ciidanka xoogga dalka ay ku soo wajahan yihiin oo duulaan ay ku soo yihiin Goofgaduud.

Ciidanka xoogga dalka oo Axadii 23-kii bishaan soo baneeyey deegaankaas, kadib dagaal kooban oo Al-Shabaab ay kula galeen ayaa shalay lagu amray inay u xoreeyaan Goofgaduud-buurey.

Deegaankaan oo ah mid istiraatiiji ah ayaa 30 KM kaliya u jira magaalada Baydhaba oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada ay dhibaatooyinka ugu badan ku heyso kooxda Al-Shabaab.

Mar kasta waxaa dhacda in deegaanka Goofgaduud ay isku bed-bedelaan ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah goobta istiraatiijiga ah ee deegaankaasi uu ku yaallo, sida ay qabaan quburrada ammaanka.

Wuxuu ka mid yahay deegaanada laga difaaco magaalada Baydhaba, waxayna bulshada reer K/Galbeed dareemaan qalqal xoog leh, markii Goofgaduud ay u gacan-gasho kooxda Al-Shabaab, taas oo sababta in mar kasta ciidan lagu amro inay dib u xoreeyaan deegaankaas.

Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed waxaa culeys daran ku heysa kooxda Al-Shabaab oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay uga soo adkaadeen dagaallo culus oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada HirShabeelle iyo Galmudug.

Post a Comment

0 Comments