Danab oo beegsatay goob ay isku urursanayeen Shabaab

Ciidamada Danab oo burburiyay Saldhig Alshabaab lahayd

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheesan oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka sameeyay deeganno dhowr ah oo hoos-taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan ayaa ciidamada si gaar ah uga sameeyeen deegaannada Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo dhulka Howdka ah ee udhaxeeya deegaanka Cowsweyne iyo Baraagta Sheekh Caamir oo dhanka bari 33-km kaga beegan degmada Galcad .

Ciidanka Danab ayaa la sheegay intii ay howlgalka wadeen in ay bur buriyeen fariisimo ay AlShabaab kaga sugnaayeen deegaannadaasi, waxa ay sidoo kale ciidamada soo saareen miinooyin ay Al Shabaab waddooyin ku aaseen.

Saraakiisha ciidamada Danab ee howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ay heleen xogta in xubno katirsan Al Shabaab maleegayeen weeraro, waxa ayna xuseen in ay bur buriyeen fariisimo ay kooxdaasi ku lahaayeen deegaanno dhowr ah.

Ciidamada Danab iyo ciidanka kale ee xoogga dalka ayaa howlgalo kawada deegaanno katirsan Galgaduud, ciidamadan ayaana fariisimo ka dhigtay degmada Galcad ,halkaas oo laga abaabulayo howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro Ceelbuur iyo Galcad.

Post a Comment

0 Comments