Al-Shabaab oo la wareegtay 60 boqolkiiba maamulka gobolka Mandhera.

Kooxda Alshabaab oo Mandheera La wareegay

Guddoomiyaha ismaamulka Mandhera Maxamed Aadan Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in boqolkiiba 60 kamida ismaamulka Mandhera ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Maxamed ayaa sheegay in joogitaanka dagaalyahanada ay saameyn ku yeelatay adeegyadii kala duwanaa ee ka jiray qeybo ka mid ah gobolka.

Waxa uu ka hadlay kulan looga hadlayay amniga oo lagu doonayay sidii wax looga qaban lahaa falalka amni darro ee Al-Shabaab ka wadaan gobolka Waqooyi Bari oo ay madaxdu ku baaqeen in loo istaago sidii looga hortagi lahaa.

Shirka amniga ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyeyaasha gobollada iyo guddiga sirdoonka ee gobolka oo ka kala socday afar gobol oo dhaca xadka Kenya iyo Somaliya.

Hogaamiyayaasha deegaanada ay saameeyeen weerarada Al-shabaab ayaa ka wada hadlay weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab, waxaanay ku baaqeen in la taageero dowladda si loola dagaallamo kooxda.

Hoggaanka maamul goboleedyada Mandhera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa sheegay in kulanka ka sokow laga soo saaray go’aamo ku saabsan sida looga hortagi karo Al-Shabaab, ay ku baaqeen in bulshada laga wacyigeliyo sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha taageera kooxdan.

Guddoomiye Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uusan awoodin inuu u qabto adeegyada bulshada, sababo la xiriira Al-Shabaab oo ku sugan gobolka.

Post a Comment

0 Comments