Madaafiic lagu garaacay xaafado kamida Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay.

Muqdisho

Waxaa saakay salaadii subax tiro madaafiic ah lagu garaacay xarunta madaxtooyada Somaliya ee kutaalla Muqdisho, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka magaalada Muqdisho oo badi hurdayay, halka kuwa kalana ku guda jireen dukashada salaada subax ayaa mar qura la maqlay dhawaqa tiro madaafiic ah, kuwaa oo loo tuurayay jihada ay kutaallo xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Mid kamid ah madaafiicda saakay lagu tuuray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhacay guri dad shacab ah degan yihiin oo kuyaalla xaafad katirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay aabbe iyo gabar uu dhalay ayaa ku dhintay madfaca gurigooda ku dhacay, waxaa sidoo kale madfacaasi ku dhaawacantay hooyada qoyska iyo xubno kale, aabaha dhintay ayaana la sheegay in uu ahaa macalin dugsi Qur’aan.

Madaafiicda lagu garaaco madaxtooyada iyo xarumaha kale ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar ku dhaca guryo dad shacab degan yihiin, waxa uuna khasaaro gaarsiiyaa dad aan waxba galabsan oo guryahooda jooga.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay AlShabaab ayaa dhowr weerar oo kala duwan ka fulisay gudaha caasimada oo ay dowladdu dhigtay ciidamo suga amniga.

Post a Comment

0 Comments