Axmed Madoobe oo dhaliilay sida uu ku socdo dagaalka ay DF kula jirto Al-Shabaab

Alshabaab

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Dhuusamareeb kaga qayb galay shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dhaliilay islamarkaana gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu uga socdo Somaliya, gaar ahaan deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka dawladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay degmada Wabxo ay halkaa ka baxeen, xilli weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan.

Lama oga sababata keentay in ciidanaka ay deegaankaas ka baxaan. Sawladda Soomaaliyana weli kama aysan hadlin. Wabxo ayaa leh istaraatijiyad muhiim ah, waana waddada loo sii maro degmada Ceelbuur oo Jimcihii ay ciidanka dawladdu kala wareegeen Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska dul qaadaan Al-Shabaab, si aysan ugu sii jirin gumeysi kale, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo badan ku sugan Dhuusamareeb, isagoo halkaa u tagay dhameystirka wajigii koowaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo dardar galinta wajiga labaad.

Sidoo kale Jubaland ayaa ka mid ah deegaannada ay dowladdu Soomaaliya iyo maamulkaasiba qorsheynayaan in wajiga labaad ee dagaalka looga saaro Shabaab aagagga ay ka haystaan.

Post a Comment

0 Comments