DF oo la wareegay Ruun-nirgood iyo Hilowle Gaab.

Ruun-nirgood

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay maanta si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood iyo deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo saacadihii ugu dmabeeyay ku hareereysanaa labadaan magaallo ay haatan gudaha u galeen, kadib markii ay ka baxeen Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada huwanta ay hadda howlgallo ka wadaan degmada Ruun-nirgood iyo Hilowle Gaab, kuwaas oo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada ayaa horay u gaaray degmadaan, inkastoo ay markii dambe kasoo durgeen, iyaga oo dagay bannaankeeda, halkaas oo ay saldhigyo ka sameysteen.

Qabashada deegaanadan ayaa timid, kadib markii ay howlgalo culus qaadeen Guutooyinka Cumar Binu-Khadaab, Guutada 17-aad kumaandooska Gor-gor, iyo Guutada 19-aad ee Ilaalo Qaran, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi.

Xaalada ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay howlgalka ayaa sheegay inay sii socon doonaan u jeedkoodana uu yahay in aagaas laga sifeeyo Al-Shabaab.

Horay waxaa kooxda looga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo u aheyd degmo muhiim ah, maadaama ay ku laheyd mid kamid ah saldhigyadeeda muhiimka ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa Dhuusamareeb u joogo madaxweyne Xasan Sheekh.

Post a Comment

0 Comments