Al-Shabaab oo Qirtay in looga adkaaday Dagaalkii Awdheegle

Kooxda Alshabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horreysay sameysay qirasho lama filaan ah oo la xiriirta dagaalkii dhawaan ka dhacay Awdheegle kadib markii kooxda ay weerar ku qaadeen xerooyinka ciidanka dowladda ku leeyihiin halkaasi.

Kooxda ayaa sheegtay in dagaalkaas looga dilay illaa 7 xubnood oo kamid ahaa dagaal-yahaanadii weerarka ku qaaday xerooyinka Awdheegle ee ciidanka, sida uu warbaahinta afka kooxda ku hadasha u sheegay Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan.

Cabdisamad oo Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu qiray in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha drones-ka Turkiga iyo Mareykanka oo markii dambe kusoo biiray dagaalka Awdheegle, ay sababeen dhimashada xubnahaasi.

Ninkaan Al-Shabaab ugu magacaaban Sh/Hoose ayaa sidoo kale waxa uu guullo ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan dowladda, xilli muddooyinkii dambe kooxda laga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim u ahaa, oo ay awoodi waayeen inay sii difaacdan.

Qirashadan ay sameysay kooxda ayaa noqoneysa mid lama filaan ah, maadaama badanaa kooxda looga baran inay tabiso khasaaraha kasoo gaara dagaalka, iyada oo inta badan guullo aan la xaqiijin ka sheegan jirtay weerarada ay fuliso.

Dhinaca kale, Dowladda federaalka ayaa sheegtay in dagaalkii Awdheegle lagu laayay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa si feejignaan leh waajibkooda u gutay.

Sidoo kale waxay dowladda sheegtay markaas in dagaalkaas kooxda looga furtay hub iyo saanad milater oo badan, islamarkaana si buuxda looga hortegay in shacabka iyo ciidanka waxyeelo gaarsiiyaan.

Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Post a Comment

0 Comments