Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh iyo carruurtiisu wada tagaan furinta dagaalka?

Madaxwayne Xassan sheekh

Laxowga waa mid kamid ah astaamaha laga rabo hoggaamiyaha u xeydan inuu dhabo sax ah ku rido bulshadiisa, Laxowgu mar waxa uu noqon karo damqasho marna quurida waxa kuugu muhiimsan adiga oo u bixinaya laxowga ka haaya guusha bulshadaada guud.

In la arko madaxweyne furinta dagaalka jooga muddo bil ka badan waa qaadashada go’aanka ugu culus, naf quurid iyo ka dhabeynta dhaartii qaranka. Laakiin in hoggaamiyaha uu sidoo kale furinta dagaalka u kaxeeyo caruurtiisa waa cadeyn uu hoggaamiyahaasi ku cadeynayo in aysan jirin wax uga muhiimsan guusha dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siyaasi ahaan eedda kale waa yeelan karaa, laakiin maalinba maalinta xigga waxay dadweynaha kusoo qancayaan sida ay uga go’an tahay inuu ka adkaado argagixisada.

24-kii Saac ee lasoo dhaafay waxaa si weyn looga hadlay wiil uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh oo la sawiray isaga oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo uu madaxweynaha maalin kahor tegay.

Wiilkan oo aan xaqiijinay in la yiraahdo Cabdifataax ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ku jiro ciidan loo tababaray ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada oo tababar kusoo qaatay waddanka Serbia.

In Xasan Sheekh uu caruurtiisa geeyo furimaha dagaalka waxay kale oo hoos u dhigeysa eedihii hore loogu jeedin jiray madaxda Soomaalida ee ahaa in caruurtooda ay ku raaxeysanayaan qurbaha, iyaguna aanay rabin in dalka hagaajiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal bil iyo saddex cisho u dhaxeeyay Dhuusamareeb, Maxaas iyo Aadan Yabaal waxa uu dhawaan sheegay inuu Soomaaliya ka leeyahay hal dan, taas oo ah inuu ka tago iyada oo ka caagan argagixiso una diyaarsan inay sameyso horumar lamid ah midka Malaysia iyo Singapore.

Inuu caruurtiisa keeno furinta dagaalka waa cadeyn kale oo ku siineysa dhab ahaanshaha sheegadiisa, Dagaalka hadda ka socda Soomaaliya ayaa u muuqda midkii kala saari lahaa madaxda Soomaalida wuxuuna abuuri doona dhabaha ay ku kala leexdan kuwa jiritaanka argagixisada iyo gumaadka shacabka ka macaasha iyo dhinaca kale kuwa muddo xileedkooda, naftooda iyo caruurtooda u huraaya inay argagaxisada ka dulqaadan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna halkaasi ka wadaa abaabul cusub oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isaga oo si gaar ah diirada u saaraya inuu dib u abaabulo ciidanka la baxay Macawisley.

Post a Comment

0 Comments