6-sano kadib maxay ku sugan yihiin raggii geystay xasuuqii Soobe, Warbixin

Qaraxii soobe 14 october

Maanta waa 14-ka October, lix sano ka hor waxay dadka Soomaaliyeed ugu asteysan tahay maalin hal goob looga dilay tiro dhan 600 oo qof, ugu yaraan 1,000 kalena looga dhaawacay, wuxuu xasuuqaasi ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho 14-kii bishii October sanadkii 2017-kii, muxuu ahaa sawirka guud ee maalintaas, maxaase Somaliya ka socda maanta?

Aan ku hormaro sidii xaal ahaa maalintaas: Dowladda Soomaaliyeed waa tabar yareed, shacbigu waxay la daalaa-dhacayeen abaaro-baahsan iyo saboolnimo, waxaase u dheeraa gumaadka iyo baadda dhaqaale ee Khawaarijta ku heysay oo lagu asteyn karo in Soomaalida aysan abid soo marin tan oo kale, 

Difaaca ugu weyn ee dalku lahaa wuxuu ahaa dhagax lagu jaray jidadka muhiimka ah ee caasimadda, ciidamo cusub ayaa badbaadinta qarankaan tababar ugu maqnaa, Khawaarijtu waxay ku sii naaxeysay dhiiga shacab ay heysteen duruufaha aan tilmaamay iyo in ka badan.

Maxaa socda maanta? Jawaabta oo kooban wax kasta ayaa is bedelay: waxaa kobocday awoodii dowladda, waxayna qaadatay doorkeeda, waxaa qaranka loo dhisay ciidamo ku filan difaaciisa, waxaa dhiiraday shacabkii u hoga jiray gumeysiga Khawaarijta, askarigii difaaca uga jiray jidka Maka Al-mukarama wuxuu maanta Khawaarijta ku baacsanayaa misaafada ugu dambeysa bar kasta oo dalkeena ay ka joogaan.

Dhiigii ka quban jiray shacabka Soomaaliyeed, wuxuu hadda maalin kasta ka qubtaa Khawaarijta, qaraxyadii gilgili jiray caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaa bedelay duqeymo joogto ah oo haada ku quudiya hilbaha Khawaarijta.

Dhaqaale malaayiin dollar ah oo bil kasta ay ka dhici jireen ganacsatada Soomaaliyeed ayey dowladdu ku guuleysatay inay ka jarto Khawaarijta, taasi waxay sababtay in cadowgu ruux-baxo, shacabkuna dhiirado oo dowladiisa ku garab istaago soo afjaridda kooxdaan.

Lix sano kadib qaraxii Soobe, Muqdisho maanta waa nabad, dadkeedu cabsi kama qabaan qaraxyadii Khawaarijta iyo dilalkii qorsheysnaa, madaxdii qarankaan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ugu horeeyo ayaa iska xaadiriyey furimaha dagaalka.

In shacbiga reer Muqdisho ay dhiiradeen oo yaqiinsadeen in Khawaarijtii gumeysay ay dowladdu jebisay, waxaa la rumeystay maalmihii uu caasimadda ka curtay kacdoonka ‘Guul ama Geeri’ oo halganka dowladda ee Khawaarij iska xoreynta loogu muujiyey garab istaag buuxa.

Maal, maskax iyo waqti waxay hadda dowladda Soomaliyeed isugu geysay sidii dalkaan loogu soo dabaali lahaa nabad waarta, ajendaha hoggaaminta dalka ee madaxweynaha qaranka ayaa baalka hore looga qoray dagaalka Khawaarijta.

Si taas looga mira-dhaliyo wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh labo bilood ka hor ka guuray madaxtooyadii uu ku shaqeyn jiray ee caasimadda Muqdisho, wuxuu subax kasta xaadiraa xafiiska hoggaaminta dagaalka Khawaarijta oo laga dhex-furay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxay dowladda Madaxeyne Xasan Sheekh dejisay ajende qeexaya qorshe dagaal oo muddo kooban dalka looga ciribtirayo argagixiso oo dhan, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo xasilooni ay ku nagaadaan, waayo badana ay naawilayeen.

Post a Comment

0 Comments