Ciidamada Somaliya oo Fashiliyay Qarax lala damacsanaa Qoorqoor iyo masuuliyiin kale.

Alshabaab,Qoorroor

Gaari qarax laga soo buuxiyey oo uu waday qof is-miidaamiye ah ayaa lala beegsaday shalay waaberigii tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Ciidanka Somaliya ayaa fashiliyay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa oo Argagixisadu shalay subax ku soo weerareen deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor. 

Laba ka mid ah Askarta ciidanka Dowladda ayaa ku dhaawacmay intii lagu jiray howlgalka ka hortagga Gaarigaan ay Shabaabku ku soo xireen Waxyaabaha Qarxa.

Masuuliyiinta deegaankaas jooga ayaa dhammaantood nabad qaba, sidan oo kale Argagixisada Qaraxyo Xamar ay la damacsanaayeen ayaa laga fashiliyey, Ciidanka dowladda ayaana ku dadaalaya badbaadinta Shacabka iyo Masuuliyiinta.

Post a Comment

0 Comments