Madax ugu sareeyay Shabaab-ka oo isa soo dhiibay.

Madaxii ugu sareeyay Shabaab-ka GALCAD oo isku soo dhiibay dowladda

Shabaabkii Galcad oo madaxdoodii isa soo dhiibeen.

Horjooge Mahad Aw Cismaan Sabriye:


Horjooge Mahad Aw Cismaan Sabriye ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee gobolka Galgaduud.

Ninkan ayay dowladda sheegtay inuu ahaa Madixii Jabhadaha Al-Shabaab ee qaabilsanaa degmada Galcad, deeganada Budbud, Cowsweyne iyo Masagawaa.

Horjoogaha isa soo dhiibay ayaa sidoo kale waxa uu ahaa Shabaab-kii ugu sareeyay kooxda ee dhibaatada ku haysay shacabka Ceeldheer iyo Galcad. 

Sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo ah hoggaamiyaha Macawiisleyda ka howl-gasha degaanada hoostaga degmada Galcad.

“Ninkaan wuxuu ahaa shaqsigii ugu sareeyey maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibka badan ku haysay shacabka dega degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,” ayuu yiri Hagar Barre.


Doorka Galcad ee la dagaalnaka Alshabaab:


Galcad ayaa kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gulufka socda ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan uga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab oo sanado badan gacanta ku haysay.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.


Wajiga labaad ee la dagaalnka Argagixisada:


Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Post a Comment

0 Comments