Xasan Sheekh oo si adag u canaantay wasiirrada qaar, una sheegay arrimo u qorsheysan

Madaxwayne Xassan sheekh, Golaha wasiirada

Warbaahinta Somaliya ayaa ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu shirkii Khamiislaha ee golaha wasiirrada ka jeediyey hadallo xasaasi ah, kuwaas oo aan lagu soo darin qeybtii la baahiyey.

Madaxweynaha Somaliya ayaa ugu horeyn golihiisa wasiirrada ku canaantay sida qaarkood ay ula jaan qaadi la’yihiin halganka uu hoggaaminayo ee Khawaarij iska xoreynta ah, isagoo ugu goodiyey in wasiirkii dagaalka soo geli waayo uu xilkiisa weynayo.

Wuxuu sheegay in wasiirada qaar aysan xitaa barahooda bulshada ku soo qorin guulaha dowladda iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuu sheegay in wasiirada qaar aysan ku qanacsaneyn dagaalka oo abaabulkii loo baahnaa aysan ka sameyn deegaanada ay metelaan.

Sidoo kale wasiirrada xildhibaanada ah ayuu Madaxweynuhu ku canaantay in aysan difaacin danaha xukuumadda ay ka tirsan yihiin, isagoo si cad ugu sheegay in markii ay furmaan kulamada baarlamaanka uusan jirin wasiir xildhibaan ah oo dalka ka dhoofi kara, maadaama laga sugayo inuu guto waajibaadka ka saaran difaaca danaha xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa soo hadal-qaaday wadashaqeynta isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo si cad ugu sheegay wasiirrada in muddo xileedkaan ay isla dhameysa doonaan isaga iyo saaxiibkiis Xamse, wuxuuna u digay wasiirada soo garab-mara Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad ugu sheegay wasiirada in shaqada looga dambeeyo oo amaradiisa ay fulaan Ra’iisul Wasaaraha, taas oo ka dhigan in Madaxweynuhu uu u caga-jugleeyey saaxiibadiisa golaha ku jira oo marar badan lasoo weriyey inay garab maraan Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dastuurka, isagoo wasiirrada u sheegay in markii uu furmo kalfadhiga baarlamaanka la hor geyn doono kulamada ugu soo horeeya si loo ansixiyo dastuurka dalka, wuxuuna wasiirrada faray inay si xooggan u difaacaan go’aannada xukuumadda ay ka tirsan yihiin.

Dastuurka dhawaan la hor geynayo baarlamaanka wuxuu Madaxweynuhu sheegay inuu dhameystiran yahay, isla markaana lagu cadeeyey nidaamka lagu hoggaami doono dalka, sida xisbiyada oo lagu soo koobayo laba kaliya, kursiga Ra’iisul Wasaaraha oo lagu bedelayo Madaxweyne ku xigeen iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Qeybaha uu uga hadlay artimahaan waa laga jaray hadal jeedintii madaxweynaha ee kulankii golaha wasiirrada oo dhif ay tahay inuu shir guddoomiyo madaxweynuhu, balse Caasimada Online ayaa xogtaan ka heshay ilo goobjoog ahaa kulankaas oo dhacay Khamiistii lasoo dhaafay.

Post a Comment

0 Comments