Dowladda Somaliya oo taageero caalami ah u heshay dagaalka ay kula jirto Al Shabaab

Ciidanka Xooga dalka Somaliyeed.

Dowladaha Dunida ugu waaweyn qaarkood ayaa Somaliya taageero xooggan ugu muujiyey dagaalka ay kula jirto kooxda AlShabaab, kaddib shir magaalada Ankara ku yeesheen madax ka socotay dowladaha Turkiga, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta Boqortooyada Dalka Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka.

Kulanka ayaa waxaa lagu taageeray, weliba Taageero buuxda lagu siinayo dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda dalka ee uu  Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud hoggaaminayo, waxaana lagu soo waramayaa in dowladaha kulmay ay sheegeen, islamarkaana ay qireen in Soomaaliya horumar aan la soo koobi karin ay ka gaartay la dagaalanka Argagixisada Shabaabka.

Shirkaasi oo ka dhacay Magaalada Madaxda Dalka turkiye ee Ankara ayaa Madaxdii ka qeybgashay waxay la isku raaceen in Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa lagu garab istaago dagaalka xooggan ay kula jiraan Argagixisada Al-shabaab, waxaa kaloo jirta in si gaar ah oo aan qarsoodi aheyn ay Xukuumadda Ankara ay si mug leh u taageertaa dagaalka Shabaabka iyo ka  ciribtirkooda ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna madaxweynaha muddo bilo ah ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb, halkaas uu ka hoggaaminayay howlgalo ka dhan ahaa Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments