DF oo diyaarineyso ciidamo 40 kun ah + Ujeedka

DF oo diyaarineyso ciidamo 40 kun ah + Ujeedka

Ciidamo gaadhaya 40 kun oo loo diyaarinayo Somaliya.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarineyso kumanaan askari oo boolis ah, si ay ula wareegaan amniga dalka, marka ay bisha December ee sanadka soo socda dalka ka baxaan ciidamada ATMIS.

Ciidamadan oo gaaraya illaa 40 kun ayaa 20 kun oo kamid ah waxay diyaarineysa dowladda dhexe, halka 20 kun ee kalena ay min 4 kun u qaybsan doonaan maamullada.

Rw Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay Ciidamadan.

Ra’iisul wasaaraha Somaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dhismaha ciidamadan booliska ah ayaa shaaca ka qaaday inay aas aas u noqon doonaan amniga dalka oo dhan.

“Ciidankaani aas aas wuxuu ka yahay mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan oo dunidu ay nagu wareejin doonto amnigeena oo la oran doono waad qaan gaarteen amnigiina idinku la wareega” ayuu khudbadiisa yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la qalabeeyo ciidamadaasi, lagana fakiro tayo ahaan iyo tiro ahaan intaba.

“Tirada kusoo aada DFS ee booliska ah waa tiro la rabo oo waajib ay tahay in la qalabeeyo dhammaanba tayo ahaan iyo tiro ahaana loo diyaariyo sida uu amniga ula wareegi lahaa, kuwa State-ka kusoo aadana, sida ayaa laga rabaa ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waa mas’uuliyad aan qaadeyno, Ummadaha hortoodana aan ku qaadeyno”.

Somaliya oo isku diyaarinayasa siday amniga dalka ugala wareegi lahayd ATMIS.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso sidii ay ula wareegi lahayd amniga dalka oo dhan maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedka howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Si kastaba, dowladda federaalka oo arrintan dadaal gelineysa ayaa sanadkii lasoo dhaafay xoogga saartay dagaalka Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Post a Comment

0 Comments