Xamza oo Doolow uga dhowaaqay ballan-qaad culus.

RW Xamza oo Balan qaaday in buundooyin laga dhisi doono Gobolka Gedo

Wararka ka imanaya Doolow, Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo shalay gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa halkaasi uga dhowaaqay ballan-qaad muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha badan ku dhiseyso buundooyin muhiim ah oo go’ay kadib markii deegaanada gobolka Gedo ay ka da’aan roobab mahiigaan ah iyo kuna soo rogamadeen daad xooggan.

“Waxaan safaro kale ku imaan doona magaalooyinka kale ee gobolka Gedo. Dowladda Somaliya waxay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhiseysa buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si lo soo celiyo amniga, nolosha iyo isu socodka bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in dowladda ay intii karaankeeda ah wax ka qaban doonto xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada ee saameynta ku yeelatay dadka shacabka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa degmada Doolow ee gobolka Gedo, wuxuu u kuur-galay xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo biyuhu ay wada gaareen, si weyna u saameeyeen.

Xaaladda Gobolka Gedo.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.

Dadaalka Dawladda Somaliya.

Dowladda Somaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

Si kastaba, Somaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments