Xamza oo gaaray DOOLOW iyo waxa uu kusoo arkay.

Ra’isul Wasaare Xamse oo Indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka taagan Doolow

RW Xamse oo gaadhay degmada Doolow.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa u darnaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo biyuhu ay wada gaareen, si weyna u saameeyeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbi doono degmooyinka kale ee gobolka, oo ay iyana ka jiraan xaalado bini’aadanimo oo aad u daran.

Dhibaatada ka jirta Gedo.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.

Dadaalka dawladda ee ka dhanka ah xaaladda El-Niño

Dowladda Somaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments